torsdag, april 25, 2024

Soomaalida Norway oo ku kala aragti duwan barnaamijkii NRK ee habeen hore

Waa laga yaabaa inaad madaxa xoqoto ama aadan rumeynsan, marka aad aragto cinwaanka qoraalkeenan. Laakiin waa xaqiiqo in soomaalida Norway ay ku kala aragti duwantahay barnaamijkii habeen hore ka baxay tv-ga qaranka Norway, hadii aan ka qiyaas qaadano dadka nala soo xiriiray iyo dadka kale ee fikradahooda ka bixiyay. Xumaan ma ahan in lagala aragti duwanadoodo, iyada oo hal wax laga hadlayo.

  • Dad ugu badan ee soomaalida Norway ah (aan dhahno 90% qiyaas ahaan), way ka xanaaqeen barnaamijkaas, waxeyna ku tilmaameen inuu ahaa mid sharaf dhac iyo dhaawac usoo jiidanayo bulshada soomaaliyeed ee Norway, oo awalba la daalaa-dhacayay sumcad xumo u taalo mujtamaca Norway. Sidoo kale waxey sheegeen in dadkii barnaamijka lagu casuumay ay ahaayeen dad aqoon iyo khibrad baahsan aan u laheyn mowduuca laga hadlayay, sawirka saxda ah ee dhex-dhexaadka ahna aan ka bixin karin soomaalida Norway. Dad badan waxey isweydiinayaan, maxaa barnaamijka loogu casuumi waayay dad aqoon jaamaceed oo dhinaca bulshada ah leh, waaba hadii la rabo in wax laga ogaado xaalada soomaaldia reer Norway.

    [adsenseyu2]

Waxyaabaha kale ee aadka loo hadalhayay ayaa waxaa kamid ah, dhaawaca uu barnaamijkaas u geysan karo caruurta soomaalida ee dhigata iskuulada Norway, maadaama loo adeegsan karo in lagu caayo waxyaabaha barnaamijkaas laga sheegay oo u badnaa negativ ama xumaan(Run iyo beenba). Arintaas ma ahan mid cusub, caruurta soomaalida ah ee reer Norway, waxey maati u yihiin xumaanta uu mediyaha Norway ka sheego soomaalida wadankan.

Barnaamijka Trygdekontoret waa mid kamid ah kuwo ugu caansan barnaamijyada NRK, waxaana daawada milyan qof iyo ka badan. Sidoo kale wuxuu hawada soo galaa xiliga ay dadka ugu badan daawadaan TV-yada oo ah 22:30. Xaley(tirsdag 21-02-2017) ayaa markale lagu soo celiyay, isaga oo kasoo galay NRK 3 oo ah Kanal ay inta badan daawadaan caruurta iyo dhalinyarada.

Group 2: Waxyaabaha barnaamijka looga hadlayay waa sax

Group kale oo jaaliyada soomaaliyeed ee Norway katirsan, ayaa aaminsan in waxyaabaha barnaamijkaas looga hadlay ay yihiin kuwo sax ah. Sidaas darteedna aysan soomaalidu waxbo is xanaajin, balse ay hagaajiyaan sumcadooda ay ku dhex-leeyihiin bulshada ay la noolyihiin.

Groupkan oo dhowr qof oo kamid ah ay xiriir nala soo sameeyeen ayaa sheegaya in soomaalidu ay yihiin dad xumaanta mar walba qariya, isla markaana aan jecleyn in loo sheego dhaliishooda iyo waxa ay ku xunyihiin. Waxey groupkan rumeysanyihiin in soomaalidu ay yihiin dad runta neceb oo amaanta jecel.

Group 3: Waa caadi in bulsho ama qowmiyad xumaanteeda lagu maadeysto

Groupkan sadexaad ayaa dareensan in barnaamijkaas uu yahay mid sumcad daro usoo jiido karo soomaalida Norway, balse waxey sheegeen in arintaas ay caadi tahay, maadaama qowmiyadaha kaleba xumaantooda lagu maadeysto. Soomaaliduna aysan wax walbe u qaadan cuqdad iyo dagaal nafsi ah(Caadi iska dhiga camal). Groupkan waxey rumeysanyihiin in soomaalidu ay tixgaliyaan xuquuqda madax banaanida hadalka ee qofka. 

Groupkan ayaa u badan(hadii aan ka qiyaas qaadano dadka nala soo xiriiray) dadka wadanka in mudo degenaa, mujtamaca sifiican u dhax-galay, da´ahaan waaweyn, isla markaana leh saaxiibo badan oo Norwiiji ah.

Imisa qof ayaa Klage dirtay. 

Hadii aan ka qiyaas qaadano linkigii aan shaley soo galinay, waxaa furay ama gashay linkigaas 1760 qof oo reer Norway ah. Imisa qof oo kamid ah ayaa Klage gudbisay, lama garan karo, balse NRK wey dareemi karaan dareenka soomaalida ee barnaamijkaas xumaan iyo samaanba. 


 

Hadii aad rabto inaad fikirkaaga ka dhiibato barnaamijkaas iyo sidii arimaha oo kale wax looga qaban lahaa, waxaad maqaal ama fikirkaaga noogu soo diri kartaa. 

NorSom News@gmail.com 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x