tirsdag, april 23, 2024

Rekord cusub: 13.200 qof oo reer Norway u badan, ayaa NorSom News soo booqatay shaley

Maalintii shaley aheyd(21-02-2017), waxaa boga NorSom News soo booqday 13.192 qof(sadex iyo toban kun), tiradaas oo ah tii ugu badneyd abid ee dad ah  hal maalin gudaheed soo booqdo bogeena. (Fiiri sawirka). Dadkan ayaa sida uu noo sheegayo Google analytics, waxey badankoodu(93,2 %= 12.294) joogaan Norway. 

Caadiyan waxaa isku cel-celis NorSom soo booqdo tiro u dhaxeyso 5.000 ilaa 7.700 oo soomaalida reer Norway u badan(sawirka kore fiiri). 

Tirada inta jeer ee shaley NorSomNews.com lasoo booqday waa 35.500 jeer. Taas oo iyadna ah rekord kale oo ah tiradii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed lasoo booqdo boga NorSom News.  

Shaley waxaa wada kulmay sadex dhacdo oo muhiim u ah soomaalida Norway: 

1) Maxkamada Mahad Abiib oo dad badan ay dhagta u taagayeen, 2)Dhacdadii gabadha soomaalida ah ee Grønland iyo 3) Programkii NRK oo asna dad badan ay warkiisa xiiseynayeen. 

Waxaan ku faraxsanahay in dad intaas tiro le´eg oo reer Norway ah ay webkeena soo booqdaan, si ay u helaan wixii warar ah ee ugu danbeeyay ee ku saabsan soomaalida Norway. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x