fredag, mars 29, 2024

Norway oo 64 milyan ugu deeqeyso wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya

Wasaarada arimaha dibada dalkan Norway ayaa war saxaafadeed ay soo saartay saacad kahor ku sheegtay, inay 64 milyan NOK ugu deeqeyso wax ka qabashada abaaraha sida ba´an u saameeyay Soomaaliya. 

Wasiirka arimaha dibada Norway, Børge Brende ayaa sheegay in xaalada abaareed ee Soomaaliya ay sii xumaaneyso maalinba, maalinta ka danbeyso. Warbixinadii ugu danbeeyay ee Soomaaliya kasoo baxayna, ay sheegayaan in dadku ay saameyn ba´an ku heyso biyo iyo cunto la´aan , isla markaana ay xoolaha dadku dhaqdaan ay u dhimanayaan biyo iyo baad la´aan owgeed. 

Brende ayaa sheegay in abaartii sanadkii 2011 laga bartay in xaaladahan oo kale si deg-deg ah looga gaaro, inta aysan dadku gaajo u dhiman, isla markaana ay dilaacin cuduro iyo dhibaatooyin kale oo saameyn leh. 

Wasiirka arimaha dibada ayaa hadalkiisa sidoo kale raaciyay inuu ku faraxsanyahay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya M.A. Farmaajo uu wax ka qabashada abaaraha ka dhigay muhiimada koowaad. 

Lacagtan ayay wasaarada arimaha dibadu sheegtay in la siin doono  hey´adaha qaramada midoobay, ICRC(Laanqeyrta cas) iyo ururada gargaarka norwiijiga ah ee ka shaqeeyo gudaha Soomaaliya. 

Xigasho/kilde: Regjeringen.no/Utenriksdep..

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x