fredag, april 19, 2024

Nin soomaali ah oo daroogo soo galinayay Tromsø oo ay boolisku ku qabteen garoonka diyaaradaha

Booliska magaalada Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway, ayaa maanta soo bandhigay warbixinta nin soomaali ah iyo labo nin oo norwiiji ah, kuwaas oo xabsiga Tromsø ugu jiro kiis daroogo ah oo lagu qabtay darteed. 

Ninka soomaaliga ah ayey boolisku ku qabteen garoonka diyaaradaha Tromsø bishii Desember, isaga oo markaas wado 500 gram oo daroogada nooca loo yaqaan Heroinka ah. Baaritaan kadib ayey boolisku soo xireen labo nin oo norwiiji ah, kuwaas oo kamid ah dadka degan magaalada Tromsø.

Madaxa baaritaanada booliska Tromsø Yngve Myrvoll, ayaa saxaafada u sheegay in ninkan soomaaliga ah uu daroogada kasoo qaaday magaalada Oslo. Wuxuuna raaciyay iney aheyd daroogadii ugu weyneyd ee abid booliska woqooyiga Norway ay qabtaan.

Faah-faahin dheeri ah kama bixin sida ay ku ogaaden xiliga uu ninkan daroogada kala soo dagayay garoonka diyaaradaha, balse wuxuu sheegay inay xili sax ah joogeen, meeshii saxda aheyd.

Xigasho/kilde: Nordlys, NRK-Tromsø

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x