tirsdag, april 23, 2024

Mubarak Taleb oo maxkamad la fuulayo dowlada Norway, si jinsiyadiisii dhalashada dib loogu soo celiyo

Mubarak Ahmed Taleb oo la dhashay Ismael Ahmed, wiilkii soomaaliga ahaa ee ku geeriyooday xasuuqii Utøya, ayaa maxkamad la fuuli doono dowlada Norway, si uu dib ugu helo sharcigiisii dhalashada dalkan Norway oo laga qaatay sanado kahor. Mubarak ayaa isna kamid ahaa dadkii ka badbaaday xasuuqaas uu walaalkii ku geeriyooday ee Utøya.

Ninkan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa la dhashay Khaled Axmed Taleb, oo ah siyaasiyigii soomaaliga ahaa ee katirsanaa xisbiga Ap-Hamar, kaas oo dowlada Norway ay dib uga ceshatay sharcigii dhalashada, isla markaana ay ku amartay inuu wadanka isaga baxo. Khaled oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti, ayaa markii uu magangalyada weydiisanayay dalkan Norway sheegtay inuu kasoo jeedo Soomaaliya, wuxuuna sidaas ku helay magangalyo. Isaga oo u dacwooday qeyb kamid ah qoyskiisa, waxaana qaabkaas dacwada ah Norway ku imaaday mubaarak oo ah qofka hada maxkamada la fuulayo dowlada dalkan Norway.

[adsenseyu2]

Danbiga iyo walaalkii:

Khaled oo ah qofkii 25-jirkan uu wadanka daraadiis ku yimid, ayaa hada Norway isaga baxay, isaga kunool wadanka Jabuuti. Aabihiis oo ahaa qof waayeel ah oo xanuunsan, ayaa sidoo kale lagu amray inuu Norway isaga baxo, wuxuuna Jabuuti ku geeriyooday maalmo kadib markii dalkaas laga dajiyay. 

Mubarak oo markii uu Norway la keenayay ahaa ilmo yar, ayaa hada Norway ku dhalay caruur, isaga oo ay u dhaxdo haweeney Norwiiji ah. Waxaana uu qareenkiisu sheegay inuu wali la itaal-daranyahay xanuunadii iyo muragadii kasoo gaartay xasuuqii Utøya ee gacan-ku dhiigle Anders Breivik, oo ahaa meeshii uu walaalkiis ku geeriyooday. 

Maadaama aabihii iyo walaalkii ka weyn ay isku dhiibeen macluumaad aan sax aheyn, ayna sheegteen inay kasoo jeedaan Soomaaliya, waxaa Mubarak laga ceshtay jinsiyada dalkan Norway, isaga oo lagu amray inuu wadanka isaga baxo. Dhawaan ayuu maxkamad la fuuli doonaa dowlada Norway, si uu sharcigiisa dib loogu soo celiyo. 

Breivik iyo Mubarak:

Wargeysyo badan oo caan ah ayaa horey wax uga qoray xaalada Mubarak Ahmed. Washington post, The guardian, Le monde ayaa kamid ah wargeysyada ay sii jiidatay sheekada 25-jirkan. The Washington Post ayaa sanadkii 2015 warbixin ka qoray Mubarak, waxeyna cinwaan uga dhigeen: 

Iyada oo Breivik uu xabsiga dhexdiisa jaamacado ku dhiganayo, waxey dowladu ku cadaadineysaa mid kamid ah dadkii ka badbaaday xasuuqiisa in si khasab ah wadanka looga saaro.

Bisha may ee sanadkan ayaa lagu wadaa inuu maxkamada lasoo istaago dowlada. Qareenkiisa ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mubarak loo soo celiyo sharcigiisa, loona tixgaliyo xiriirka uu la leeyahay wadankan Norway oo uu caruur ku dhalay, xaaskiisuna ay wadanka u dhalatay. 

Xigasho/kilde: Klassekampen-Papiravis(14-02-2017)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x