fredag, april 19, 2024

Listhaug oo isku dayeyso inay joojiso soo jeedinta awood ka qaadida UDI-da iyo Ap oo uu isbadal ku yimid

Waxaa 14-ka bisha soo socoto ee Maarso lagu balansanaa in baarlamaanka la horgeeyo mooshin ku saabsan in awooda sharci-kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka. Mooshinkaas oo ay taageersanyihiin inta badan xisbiyada kujirto baarlamaanka, marka laga reebo Høyre iyo FRP.

Hadaba wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listhaug ayaa keentay qorshe ay rabto inay ku joojiso mooshinkaas, iyada oo soo bandhigtay hab kale oo aan awooda sharci kala-noqoshada si toos ah loogu wada wareejin doonin maxkamadaha.

Xisbiga Ap oo kamid ahaa xisbiyada taageersanaa mooshinka ayaa dib u garasho sameeyay, iyaga oo codsaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay dib uga soo fakaraan taageeradoodii hore ee soo jeedintaas. Mooshinka oo lagu balansanaa in baarlamaanka la horkeeno 14-ka Maarso, ayaa hada dib u dhacay kadib markii ay Ap waqti dheeri ah codsadeen. Waxeyna codsadeen in la siiyo waqti ku siman 1.April, markaas oo go´aankooda kama dambeysta ah, ay la imaan doonaan.

[adsenseyu2]

Listhaug ayaa warqad u dirtay gudiga baarlamaanka ee mooshinkaas ka shaqeynayo, iyada oo ka codsatay inay sifiican uga fiirsadaan meel-marinta iyo ansixinta soo jeedinta markii ka timid xisbiga SV, ayna ku raaceen xisbiyada kale. Waxeyna sheegtay in mooshinkaas uu wiiqayo ama uu khal-khal galinayo hanaanka dowlad-wanaaga, maxkaduhuna ay yeelanayaan awood-fulineed, intii ay dib u eegis ku sameyn lahaayeen go´aanada fulinta hey´adaha dowlada. 

Sylvi ayaa raacisay in mooshinkan uu ku yimid qaab caadifad ah oo uu deg-deg kujiro, kadib markii warbaahintu ay hal dhinac ka eegtay kiiska hal qof, buun-buunina ay u smaeysay( waa kiiska Mahad Abiibe). 

Wasiiradan ayaa taas badalkeeda soo jeedisay qodobo cusub oo lagu xaqiijin karo in wado sax ah loo maro sharci kala noqoshada jinsiyada. Waxeyna soo jeedisay oo waxyaabaha warqadeeda ku qoran kamid ah: 

  1. In la qiimeeyo dhaqan-galinta sharci ku saabsan in aan qofka laga qaadin sharciyada dhalashada, ilaa kiiskiisa go´aan looga gaarayo maxkamada. 

  2. In kiisaska la xiriira sharci kala noqoshada dhalashada lagu go´aamiyo kulamada hey´ada Nenmdaha UNE.

Ap oo uu isbadal ku yimid:

Stein Erik Lauvas

Stein Erik Lauvås oo ah afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in xisbigiisu uu u furanyahay inay ka noqdaan go´aankoodii hore ee taageerada mooshinka maxkamadaha, hadii ay arkaan hab kale oo lagu xalin karo arintaas.

Wuxuuna sheegay in waxa muhiimka ah ay tahay in la xaqiijiyo xaqa sharciyeed ee prosseska dib ugala noqoshada sharciyada jinsiyada, maxkamaduna aysan aheyn habka kaliya ee arintaas lagu xalin karo.

Ap ayaa ah xisbiga ugu weyn ee taageersan mooshinka awooda looga qaadayo hey´adaha laanta socdaalka. Hadii ay ka noqdaan taageerada mooshinkaasna, halkaas ayuu ku bur-buri doonaa, maadaama uusan heleyn codad ku filan oo uu ku meel-maro.

Helge Andre Njåstad oo katirsan xisbiga FRP ayaa sheegay in wax fiican ay tahay in Ap ay waqti dheeri ah, qaataan si ay arintaas dib uga soo fakaraan.

FRP iyo Ap waa ilmo-adeer marka laga hadlayo arimaha soo galootiga:

 

Maalmo kahor ayey aheyd markii xisbiyada KRF iyo SV ay soo jeediyeen qorshe cusub oo ah in xili xadidan loo sameeyo, goorta qofka lagala noqon karo sharciga dhalashada, iyada oo loo eegayo inta sano ee uu wadanka joogay. MDG, SP, iyo Venstre ayaa arintaas u riyaaqay, balse waxaa diiday Ap oo sheegay ineysan arintaas taageersaneyn.

Maanta ayey hadana dib ugu noqdeen taageeradoodii hore ee mooshinka awood ka qaadista hey´ada laanta socdaalka, kadib markii uu codsi ka yimid wasiirada arimaha soo galootiga oo FRP katirsan. Iyaga oo codsaday in la siiyo waqti dheeri ah.

FRP, Høyre iyo Ap waxey isaga soo horjeedaan arimaha shaqada, canshuuraha, waxbarashada, caafimaadka IWM.. Laakiin markii laga hadlayo arimaha soo galootiga iyo qoxootiga, makala dheera fikir ahaan. 

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, NTB.

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x