Ku dhawaad 400 oo dhalinyaro soomaali ah oo ka qeybgashay seminaarkii dhiiragalinta waxbarashada

0
186
Foto: SSF Sawirka: Kulanka dhiirigalinta waxbarashada ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway

Dhalinyaro lagu qiyaasay ilaa 400 oo qof ayaa shaley kasoo qeybgashay seminaarka dhiiragalinta waxbarashada, oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka ardeyda soomaaliyeed ee SSF. Seminaarkii shaleyto qabsoomay ayaa ahaa kii ugu weynaa abid oo SSF qabato, marka loo eego tirada dadka kasoo qeybgalay. 

Motivasjonsseminaret ayaa ah seminaar sanadle ah oo ururka ardeyda SSF ay qabtaan, si dhalinyarada dhigata dugsiyasada sare loogu dhiiragaliyo iney waxbarasho heer-jaamacadeed ah u qaataan. 

Abdullahi Mohamed Amiin: Hadii aad hadaf leedahay, waad gaari kartaa caqabadu waxey rabto ha noqotee. 

SSF ayaa seminaarkan ku casuuntay aqoonyahano iyo marti-sharaf soomaali ah, si ay dhalinyarada ula qeybsadaan wadooyinkii ay u mareen waxbarashadooda ilaa heer jaamacadeed iyo caqabadaha ay kala kulmeen.

Abdullahi M. Amin
Foto: SSF

Dadka seminaarka lagu casuumay waxaa kamid ahaa Abdullahi Mohamed Amiin oo ah nin dhalinyaro soomaali ah, kaas oo Norway yimid isaga oo lixdiisa lixaad aysan u dhameystirneyn(sida aad sawirka ka arki kartaan), waxbarasho hore aan heysan. Abdullahi ayaa seminaarka shaley ka cadeeyay inuu sideed sano gudaheed kusoo afmeeray guud ahaan heerarka waxbarashada dalkan Norway, isaga oo kasoo bilaabay barashada luuqada, dugsi hoose-dhexe, dugsi sare iyo jaamacad shahaadada koowaad. Wuxuuna hada ka shaqeeyaa hey´ada laanqeyrta cas, xafiiskeeda Oslo.

Qof kasta oo ku fikarayo inuusan waxbaran karin caqabado jiro owgeed, ha fiiriyo ninkan meeshan taagan, hana ogaado inuu wax walba qaban karo hadii uu dadaalkeeda la imaado, hadaf cadna leeyahay.

Dr. Abdirashid Warsame
Foto: SSF

Sidoo kale aqoonyahadii shaley ka lagu casuumay seminaarkii, waxaa kamid ah Dr. Abdirashid Warsame(Garbajov) oo cilmibaare caafimaad ka ah isbitaalka weyn ee Oslo, kana mid ahaa aas-aasayaashii ururka SSF ee sanadkii 1995.

 

Dadka kale ee kulanka qeybta ka ahaa waxaa kamid ah: Marian Abdi Hussein, Aisha Ali Mohamed, Axmed A. Siyaad, Ismael.

Haaruun Siyaad: Ardeyda kaliga ah ee soomaaliga ah ee boolisnimo barto

Seminaarka dhiiragalinta waxbarashada ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalo ardey jaamacado ka dhigta wadankan, kuwaas oo warbixin dhalinyarada kale ka siiyo kuliyadaha jaamacadaha ay dhigtaan. 

Haaruun Siyaad oo kamid ah ardeydaas, ayaa sheegay inuu yahay ardeyga kali ah ee soomaali ah ee dhigta ee machadka booliska Oslo iyo Norway oo dhanba. Haaruun ayaa raaciyay inuu jeclaan lahaa inuu sanadkan arko ardey soomaali ah oo soo codsato machadka Booliska, maadaama maamulka iskuulku ay rabaan iney helaan ardey ajaaniiba ah oo soo gasha iskuulka boolisnimada.

 

SSF: Mahadcelin dadkii kasoo qeybgalay seminaarka

Ismaaciil Nuur Xeefow oo kamid ah gudiga maamulka ururka SSF, ayaa NorSom News u sheegay iney u mahadcelinayaan dadkii shaley kasoo qeybgalay seminaarka iyo dadkii kale ee ka qeybqaatay diyaarintiisa. 

Waxeyna sheegeen iney inta lagu jiro sanad-dugsiyeedkan ay diyaarin doonaan kulamo kale oo waxbarashada xiriir la leh. 

 

Gudiga maamulka ururka ardeyda SSF
Foto: SSF

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments