torsdag, april 25, 2024

Halwo Ali: Fikirkeyga ku aadan barnaamijkii NRK ee ku saabsanaa soomaalida

Magacaygu waa Halwo Ali waxaan daganahay Gobolka aust-agder, waxaana rabaa inaan dhiibto arigtideyda ku aadan barnaamikii NRK ka baxay habeenkii talaadada ahayd.


Runtii anigu uma arko inuu yahay mid la buunbuuniyo, waayo hadba xaalada lagu jira ayaa wax lagu qeymeeyaa. Hadii ay ahaan lahayd sagaashameeyadii waqtigii raadiy-yaashu ay dadka warka gaarsiinjireen, waa lala yaabi lahaa lana buunbuuni lahaa. Balse maanta aduunka dhan waxaa uu ku jiraa hal qol oo aad u yar.

Maalinkastana waxaa la soo bandhigaa waxyaabo aadan fileynin, balse tan waaba mid la filaayey. Waana iska caadi in dood wadaag la sameeyo, bulshaduna ma ahan dad wada aqoonyahano ah ama wada profesore ah.

Soomaali ilaahay ayaa badiyey magac iyo maamuusna u yeelay, Amal Adan iyo koox-dhalinyaro ah oo barnaamish yar sameestay sumcadooda waxbo u dhimi-meyso ee soomaaliyeey isdejiyo.

Aniga waxaan ahay wariye, waxaana soo bartay qaynuunka saxaafada. Saxaafada qofka fekerkiisa in uu hadlo waa ay u banaysay, xor ayuuna u yahay. Waa xoriyatul qowlka aduunka maanta ka jira. Haddi qofku gacan-qaad sameeyo oo dadka wax gaarsiiyo waa in la qabtaa, qaladkiisan la xakumaa. Balse afka iyo fekerka waa furanyahay.

Mida kale dadka dooda qabo oo leh waan cabanaynaa, waxaan dhihilahaa adinkana hadalka waa idin furanyahay. Hala balamiyo tv, barnaamijkii mid lidi ku ah wixii ay ka  hadleen hala balansado. Adinka oo aan xanaaqin codkiina ku ciilbaxo oo sheega qaladka iyo sida ay u yihiin dhalinyaro aan aqoon weyn u lahayn soomaaliya.

Markaas waxaa furmaayo dood la wada daawanaayo welibana isla habeenka talaadada saacadii barnaamijkii uu baxay oo kale hala balansado intii daawatay hadaawadaan.

Laakiin fadhi kudirirka iyo suuq kadaayo. Soomaalida waa inay ka gudubtaa waa la yira oo waxcad lala tagaa goobtii iyo goortii.  Qaladkana caruur soomaaliyeed ayaa gashay, waana in waalid soomaaliyeed iyo aqoonyahana soomaaliyeed ay saxaan.

Dadka aaminsan  soomaalidu mashaqeyso, waa in yar oo Oslo degan oona arkay dadka soomaalida ee maqaayadaha fadhiyo, Laakin gobolada waxaas kama jirta.

Soomaalidu waa bulsha hooyada iyo aabaha iyo ubadkaba dadaal badan.War anaga gobolkaan joogna xitaa Norwejiyiintaa nala yaabo oo yiraahdo soomaalidu waa dad adag hooyooyinkiinana waa kuwa shaqo badan guriga iyo banaankaba.

Waryaa Soomaaliyee waxaa jirta (xigmad oraneyso ma tihid waxa ay dadka ku mooddaan, ee waxaad tahay waxaad adiga iska dhigtid).

 Qofkasta waxaa uu hadlaa aragtidiisa mana aha in lagu naco aragtidiisa. Mahadsanidiin inta u aragto in aan aragti xun la yimaaday iga raali ahaado.

W.Q= Halwo Abdi Ali


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga la wadaagto bulshada Soomaaliyeed ee Norway ku dhaqan, waxaad noogu soo diri kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x