torsdag, april 25, 2024

Switzerland oo codbixin u qaaday in dadka soo galootiga ah, ay qaadan karaa jinsiyada wadankaas.

Shacabweynaha kunool dalka Switzerland ayaa maalinta axada aheyd ee lasoo dhaafay, u dareeray codbixin loo qaadayay in dadka soo galootiga ah ay qaadan karaan jinsiyada dhalashada wadankaas, marka ay buuxiyaan shuruudaha iyo inkale.

Xisbiga SVP oo ah xisbi ah xagjir dhinaca midigta fog ah, kuraas badana ku leh baarlamaanka dalkaas, ayaa si aad ah uga soo horjeedo in dadka soo galootiga ah, gaar ahaan muslimiinta la siiyo jinsiyada dhalashada wadankaas Switserland. Iyaga oo arintaas ku sababeeyay inay ka cabsi qabaan in hadii soo galootiga ay helaan xuquuq lamid ah dadka wadanka u dhashay, ay aakhirka la wareegi karaan wadankaas. 

[adsenseyu2]

Natiijada codbixintaas la qaaday ayaa kusoo idlaatay in 60%(lixdan boqolkiiba) dadweynaha reer Switzerland ay taageersanyihiin, in dadka soo galootiga ah la siiyo jinsiyada dhalashada wadankaas, hadii ay buuxiyaan shuruudaha looga baahanyahay. 

Dooda codbixintan ayaa soo socotay mudo dheer, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ay doodaas gaartay heerkii ugu sareeyay. Kadib markii la ogaaday in 70% laacibiinta ugu ciyaariyay xulka Switzerland koobkii Euro 2016 ay asal ahaan ahaayeen soo galooti. 

Wadanka Switzerland ayaa waxaa kunool soo galooti aad u badan oo badan, waxaana kunool jaaliyad soomaaliyeed oo balaaran. Intooda badana ay wadankaas soo galeen xiliyo hore, sidoo kalena  sanadadii ugu danbeeyay, waxaa kor u kacay tirada dhalinyarada soomaalida ah ee wadankaas magangalyada soo weydiisanayay. 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x