fredag, mars 29, 2024

Dowlada Mareykanka oo laashey xayiraadii safarka ee Donald Trump

Dowlada Mareykanka ayaa laashay wareegtadii xayiraada Donald Trump, kadib markii qaadi kamid ah kuwa federalka uu amar ku bixiyay in dadka heysto dal kugalka(visada) sharciga ah, ee kasoo jeedo todobada wadan ee uu D.T mamnuucay, ay shuruud la´aan kusoo gali karaan Mareykanka.

Donald Trump ayaa isku dayay inuu racfaan ka qaato amarka xaakinkaas, balse maxkamada sare ee racfaanka ayaa diiday inay aqbasho go´aanka racfaanka D.t

Wararkii ugu danbeeyay ee hada kasoo baxayo garoomada diyaarahada Mareykanka, ayaa sheegayo in dhamaan dadka kasoo jeedo todobada wadan ay si dhib la´aan ah kusoo galayaan dalkaas, iyaga oo la kulmin wax xayiraad ah.

Arintan ayaa cashar u noqon doonto Donald Trump oo u qaatay in sidii shirkadahiisii ganacsiga ,ay awooda dowladu kaligiis gacanta ugu jirto, isaga oo ilaaway inay jiraan dad kale oo awooda maamulka dowlada dalkaas la wadaago. 

Xigasho/kilde: NRK.NO , abcNyheter, NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x