fredag, april 19, 2024

Donald Trump oo mar kale hadana xayiraad soo rogi doono

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa qoreyso in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu mar kale soo wado xayiraad cusub oo ka saameyn badan tii hore ee uu soo rogay isbuucyo kahor. Taas oo hirgali wayday maadaama uu laaley(istaajiyay) xaakim sare oo katirsan maxkamada federalka ah. 

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka, xayiraadan cusub ayaa laga yaabaa inuu Trump soo bandhigo talaadada nagu soo aadan, ama isbuuca soo socdo gudahiisa. Waxeyna saameyn ku yeelan doontaa isla todobadii wadan ee uu Donald Trump xayiraada saarey markii hore, Soomaaliyana ay kamid tahay. 

[adsenseyu2]

Waxyaabaha cusub ee xayiraadan la socdo ayaa waxaa kamid ah, ineysan saameyn ku yeelan doonin dadka heysto sharciga kumeel-gaarka ah ee Green-cardka. 

Dhanka kale waxey saameyn ku yeelan kartaa dadka lagu soo eedeeyay inay danbiyo geysteen, xitaa hadii aan loo xukumin.  

Xigasho/kilde: VG.no 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x