tirsdag, april 16, 2024

Dagbladet-magasin oo warbixin dheer ka diyaariyay dhacdadii aabaha soomaaliga uu gabadhiisa ku dhaawacay

Wargeyska Dagbladet qeybtiisa isbuuclaha ah ee Magazinka, ayaa warbixin sadex bog ah ka diyaariyay dhacdadii uu aabaha soomaaliga ah gabadhiisa afar isbuuc jirka aheyd uu dhaawaca ku gaarsiiyay. Waxeyna wareysi la yeesheen dhakhtaradii gabadha daaweeyay bilowgii, barnevernka, qareenada gabadha iyo waliba dadka hada gacanta ku hayo. Iyaga oo si faah-faahsan wax uga qoray sharaxaada labada dhinac ee maxkamada.

Aabahan ayaa sheegay in gabadha xusul/jiqil/suxulkiisu uu ku dhacay xili ay joodari dhulka yaalo wada hurdeen, laakiin maxkamada ayaa diiday sharaxaada aabaha, iyaga oo sheegay in nabarada gabadha ku yaalay ay ahaayeen kuwo loo geystay.  Halkan ka akhri warbixintii aan ka qornay dhacdadaas bishii September. 

Halkan ka akhri warbixinta Dagbladet-Magazin ee dhacdadan. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x