fredag, mars 29, 2024

Ahmed M. Abukar, wiilkii ka qeybgalay barnaamijka NRK oo jawaab ka bixiyay dareenkiisa barnaamijka.

Ahmed M. Abukar(sawirka kore wiilka soo jeedo) oo ah muwaadinkii soomaaliga ahaa ee ka qeybgalay barnaamijkii NRK ee ku saabsanaa soomaalida, ayaa noo soo qoraalkan kooban oo uu kaga hadlayo dareenkiisa ku aadan barnaamijkaas.


Aniga oo ah Ahmed Mohmud abukar, kana qeybgalay barnaamijka ka baxay tvga NRK maalintii isniinta aheyd 20.02.2017 ee lagu magacaabo trygdekontor(Halkan ka daawo barnaamijka), waxaan baraha bulshada ku arkay in soomaali badan ay dhibsatay ama dhalilisantahay waxyaabihi aan ugu hadalnay tvga. Waxaan jeclaaday inaan jawaab yar ka bixiyo eedaha dadka qaarkiis ay iisoo mariyeen baraha bulshada, iyada oo laga yaabo in qaarkood si qaldan wax loogu sheegay. 

Waxaan nahay dad islaam ah ,waxaana nala faray inaan runta sheegno, xataa hadey xataa dacarta ka qaraartahay. Sidaasi-darteed, waxaan lawada soconaa hadaan nahay soomaalida kunool dalka Norway inaan nahay qowmiyada ugu faqrisan, ugu aqoonta-yar, uguna badan dadka aan shaqeysan marka loo fiiriyo qowmiyadaha kale ee nala midka ah. 

Waxaan qowmiyadaha kale kaga duwanahay inaan dhibaatada ina heysato u aragno ceeb, sidaasi darteed aan jecelnahay inaan qarino, aana ku noolaano been iyo qiyaali. Taasi oo dhaxalkeeda noqotay, in odayaashi dalka qabyaalada kusoo burburiyen noogu daba kenaan qurbaha, maqaayadahana la fadhiyaan qabyaalad iyo jahli.

Xaga hoyooyinkana intooda badan waxey ku mashquuleyn dhaqaalo uruursi, ayuuto iyo lacag Africa loo diro. Halka caruurti ay masuulka ka ahaayen ay wadooyinka ku gadayaan darages(daroogo) iyo wax ka daran, skoladkiina ay ka hareen. Waxaana arinkaas ka masuul ah, waalidka soomaalida oo ah mas´uuliyiinta qowmiyadan.

Waxaan ku faraxsanahay in maanta soomaali badan ay ka carootay hadaladii aan tvga ka sheegay, waxaana jeclaan lahaa in hadaladeyda ay beeneeyaan, lana yimaadan karti iyo iney kor u qadaan ubadka soomaaliyeed. Odayaashuna ay shaqo tagaan iyo islamahooda, si caruurtooda ay ugu noqdaan dad lagu daydo.  

                                  «»Dhamaad»»


Wixii maqaal iyo fikir ah oo aad rabto inaad la wadaagto bulshada soomaaliyeed, waxaa noogu soo gudbin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x