Aftenposten: Soomaalida Minneapolis, waxey shaqada iyo ganacsi abuurka kaga jiraan heerka ugu sareeyo

0
106

Qoraalkan waxaa wargeyska Aftenposten kusoo daabacay, Joacim Lund oo ah fikir-bixiye katirsan bahda wargeyska Aftenposten.


Sanadkii hore dhamaadkiisii, xiligii uu Donald Trump kujiray ololaha doorashada, wuxuu booqasho ku tagay magaalada Minneapolis oo qoraha maqaalkan uu ugu magac-daray, caasimada aan la aqoonsan ee qurbojoogta soomaalida. Waxaa magaalada degan tobanaan kun oo soomaali ah, waxeyna u egyihiin kuwo ku guuleystay qodobada isdhexgalka bulshada ugu muhiimsan, sida shaqada iyo ganacsi abuurka.

Xisaabta ku darso in soomaalida Norway iyo meelo kale oo badan, ay isla qodobadaas ku saabsan isdhexgalka bulshada ay aad ugu liitaan. Waxaa aad u xiiso leh in lasoo ogaado waxa ay halkaas ku qabtaan.

Lars Østby oo cilmibaare ka ah wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobka ee SSB, ayaa aaminsan inay adagtahay in soomaalida Norway lala barbar-dhigo soomaalida Mareykanka. Isaga oo sheegay in soomaalida halkaas tagtay ay ahaayeen dad horey aqoon uleh, tiro ahaan ay yihiin kuwo aad u yar marka loo eego tirada guud ee dadka kunool Mareykanka.

Benny Carlsson oo professor Swedish ah oo dhaqaalaha dhigo, ayaa sheegay inay suurtogal tahay in la is bar-bardhigo soomaalida Scandenavianka iyo soomaalida Mareykanka. Carlsson ayaa aamisan in Minnesota ay tahay meel qofkii uu dadaala kasoo muuqan karo, uuna kuna guuleysan karo dadaalkiisa. Isaga oo sheegay in qoxootiga la siiyo koorsooyin yar oo bilow ah, kadibna ay ku qasbanyihiin iney noloshooda maareystaan. Laakiin dhanka kale waxey dowladu fududeysay waxyaabaha qofka u fududeyn karo inuu ganacsi abuurto.

Abdi Warsame: Soomaalida waa dad fursad-gaadayaal ah.

Qoraha maqaalka ayaa Minneapolis kula kulmay Abdi Warsame oo katirsan golaha deegaanka magaaladaas. Wuxuuna Abdi sheegay in soomaalidu ay yihiin dad fursadii ay arkaan sifiican uga faa´iideysto:

Hadii ay fursadu tahay lacag bilaash ah, soomaalidu way ka fii´deysan. Hadii fursadu kujirto waxbarasho iyo shaqo, soomaalidu way ka faa´iideystaan. 

Abdi warsame oo qoraha aaminsan in sababaha keenay in soomaalidu ay suuqa shaqada aad uga dhex-muuqdaan Minneapolis, ay yihiin kuwo isbiirsaday.

Waxaa la fududeeyay in ganacsi la abuuran karo, waxaana faa iido badan inuu qofku shaqeysto. Dhalinyarada soomaalidu waxey heystaan dad ay ku deydaan. bulshaduna aad ugu badna is kooxeysiga iyo is faquuqa. Qofka ugu fiican ee shaqadan qaban kara, ayaa shaqada hela.

Halkan kasii akhri maqaalka Joacim Lund iyo Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments