(Abdulkadir Aden Ciye):10-kan qodob halagaa helo, hadii aad tahay maamule.

0
173
Abdulkadir Omar Aden Ciye

Maamulku ma’aha hawl sahlan, mana ahan hawl culus, laakiin waa hawl u baahan caqli badan, cilmi badan iyo cudud niyad saafi ah weheliso.
Haddaba maamulow ila wadaag qodobbadaan maanta:


1=Ahow qof afkaar badan oo figrado badan isu keeni kara waqti kooban, kaddibna kala dhex-bixi kara kuwa ugu fiican.

2=Ahow qof kala garan kara, sida shaqooyinku u kala muhiimsan yihiin, kaddibna dooran kara kuwa ugu muhiimsan.

3=Ahow qof cilmi iyo cilmi-baaris joogto ah ku dhisa hawlihiisa, kaddibna go’aamo la isku huba qaata.

4=Ahow qof tixgalin siiya danta guud iyo cilaaqaadka dadka ku xeeran, si dantiisa gaar ahaaneed ugu fusho.

5=Ahow qof tashi badan oo aan ka xishoon su’aalaha iyo wax kororsiga.
6=Ahow qof ku dadaala dhismaha naftiisa iyo qoyskiisa dhanwalba.
7=Ahow qof aragti dheer oo meel aan dadku wax ka arkin ka arka.
8=Ahow qof khaladaadkiisa ka faa’iideysta.
9=Ahow qof ku fiican dajinta istaraajiyaadka iyo
Siyaasadaha shaqadu u baahan tahay.
10=Ahow qof shuruucda shaqada iyo tan dawladda intaba ilaaliya, qofkii aan sharciga ilaalin shalleyto kama baxo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments