lørdag, april 20, 2024

34% dadka norwiijiga ah, waxey aaminsayihiin in soo galootiga ay khatar kuyihiin dhaqanka iyo hidaha Norway

Codbixin dhawaan laga qaaday dadweynaha Norway ayaa lagu ogaaday in 34% ama sadexdii qofba mid kamid ah, ay aaminsanyihiin in soo galootigu ay khatar ku yihiin hiddaha iyo dhaqanka Norway.

Dadka codbixinta laga qaaday ayaa sheegay in soo galootiga, gaar ahaan kuwo ka imaada wadamada islaamku, ay wataan dhaqamo iyo caadooyin aad uga duwan kan dhaqanka Norway, taasna ay mustaqbalka khatar kutahay dhaqanka Norway, ayna ka baqayaan inay dhaqan-guurmaan.  

Isla codbixintan ayaa lagu ogaaday in dadka degan magaalooyinka ay wax xoogaa ka yara roonyihiin, marka laga hadlayo aaminsanaanta khatarta soo galootiga ee dhaqanka Norway. 42% dadka tuulooyinka degan waxey aaminsayihiin in soo galootiga ay khatar ku yihiin dhaqanka Norway, halka 29% dadka magaalooyinka degan ay arintaas aaminsayihiin. 

Dadka codbixinta laga qaaday ayaa sidoo kale la weydiiyay xisbiyada ay u codeeyaan xiliyada doorashada. Waxaana soo baxday in dadka ugu badan ee u codeeya xisbiga FRP ay aaminyihiin khatartaas ay soo galootiga kuyihiin dhaqanka Norway. 

Xigasho/kilde: Aftenposten-papiravis(side 6, 27-01-2017)

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x