fredag, april 19, 2024

27-sano kadib ayaa qoyskan oo ka kooban 12 qof lagu amray inay sharcigooda keenaan, wadankana isaga baxaan

Mala yaabaneyd kiiskii Mahad Abiib oo 17 sano kadib lagala noqday sharciga magangalyada?. Bal kudarso kiiska qoyskan u dhashay Falastiin/Jordan oo 27 sano kadib lagu amray iney sharciga soo xareeyaan, wadankana isaga baxaan. 

Qoyskan ayaa sida uu qorayo wargeyska Aftenposten, Norway iska soo dhiibay sanadkii 1990, waxeyna dhalashada wadanka qaateen 1997. UDI-da ayaa aaminsan inay qoyskan ay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiga ah, isla markaana ay sheegteen inay ka imaadeen Falastiin, iyaga oo kasoo jeedo Joordan. Waxaana sanadkii hore lagala noqday sharciga, islamarkaan lagu amray inay soo xareeyaan sharciyadooda dhalashada, wadankana ay isaga baxaan.

[adsenseyu2]

Sidoo kale caruurtooda oo wadanka ku kortay iyo caruur ay sii dhaleen oo Norway ku dhashay ayaa iyagana lagu amray inay sharciyadooda soo xareeyaan, ugu danbeyna wadanka isaga baxaan bisha August ee sanadkan 2017. 

Sanadkii 2012 ayaa qoyskan lagu wargaliyay inuu ku socdo baaritaan ku saabsan sharcigooda iyo aqoonsigooda dhalashada.

Mid kamid ah caruurta ay dhaleen ee wadanka ku koray ayaa sheegay in markii uu Norway imaanayay uu jiray 9 sano, halka walaashiisna ay jirtay 4 sano. Waxeyna wadanka ku dhaleen caruur kale oo aan Norway meel ka baxsan aqoonin. Dhamaantood waxaa saameeyay sharci kala noqoshada ay UDI-du ku sameysay ayeeyada iyo awoowaha qoyskan. 

Laanta socdaalka ayaa sheegeyso in hadii ilmuhu uu sharciga ku qaato waalidkii, lana soo ogaado in waalidkii ay ka been-sheegeen aqoonsigooda, ay halkaas ku bur-bureyso aas-aaska jinsiyadooda dhalashada, ayna raacayaan waalidkood.  

Norway-Wadanka kali ah ee qofka sharciga dhalashada kala noqdo.

Waxaa sanadkii lasoo dhaafay hoos u dhacday tirada dadka magangalyada soo weydiisanayay dalkan Norway. Waxeyna taas firaaqo iyo waqti u siisay hey´ada laanta socdaalka iney dib u eegis ku sameyso kiisaska dad horey looga shakisanaa aqoonsigooda, kuwaas oo wadanka mudo joogay. Waxeyna taas sababtay in sanadkii lasoo dhaafay sharciya dhalashada jinsiyada lagala noqdo dad tiro ah. 

Inta badan wadamada dariska la ah Norway iyo wadamada kale ee qaarada Yurub, suurtogal ma ahan in qofka dib looga ceshado sharciga jinsiyada.

Holand iyo Faransiiska, waxaa qofka sharciga dhalashada laga ceshan karaa hadii uu sameeyo falal danbiyeed. Halka Germalka aan qofka sharciga laga ceshan karin, hadii 5 sano ay kasoo wareegto xiligii uu qaatay. 

Dhawaan ayaa xisbiyo badan oo kuwo siyaasada ah ay isku raaceen in awooda sharci kala noqoshada laga wareejiyo hey´ada laanta socdaalka, loona wareejiyo maxkamado madax banaan. 

Waxaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay maxkamada Oslo ka socotay dacwada u dhaxeyso Mahad Abiib iyo dowlada Norway.

Xigasho/kilde: MSN, Stavanger-Aftenblad

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x