fredag, mars 29, 2024

19-jir soomaali ah oo qirtay dilka haweeney uu mindi ku dilay iyo dhaawaca 5 qof oo kale

Wiil 19-jir soomaali-norwiiji ah ayaa maanta maxkamad horteed ku qirtay, inuu ka danbeeyay dilka haweeney Mareykan ah iyo dhaawaca shan qof kale, kuwaas oo uu mindi ku weeraray magaalada London, bishii August ee sanadkii hore.

Maxkamadeynta wiilkan soomaaliga ah ayaa maanta ka bilaabatay magaalada London, waxaana lagu soo oogay danbi ah inuu si aan ulakac aheyn/Rabitaankiisa aheyn uu u geystay falkan dilka ah iyo dhaawaca shanta qof ee kale. Waxeyna dacwad oogayaasha boolisku maxkamada ka hor sheegeen in wiilkan uu kusoo booday xanuun maskaxda ah(paranoid schizofreni), markaas uu falkan dilka iyo dhaawaca ah geysanayay. 

19-jirkan heysto dhalashada wadankan Norway ayaa U.K u guuray sanadkii 2002.  Warbaahinta London ayaa horey u sheegtay in wiilkan uu maskax ahaan u xanuunsanayay. 

Booliska London oo caawin ka helayo cutubka kahortaga weerarada argagaxisnimo, ayaa baaritaano ay ku sameeyeen wiilkan ku waayay wax cadeyn ah oo sheegayso inuu xagjir noqday ama uu weerarkan ujeedo kale ka lahaa. 

Xigasho/kilde: NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x