tirsdag, mars 19, 2024

19-jir soomaali ah oo loo xukumay dilka haweeney iyo dhaawac shan qof oo kale

Maxkamad kutaal magaalada London ayaa shaley wiil 19-jir soomaali norwiiji ah ku xukuntay in si qasab ah loogu wareejiyo, laguna hayo xarunta laga xanaaneeyo dadka maskax ahaan u xanuunsan(Maanakoobiyo).

Wiilkan ayaa bishii August ee sanadkii 2016, weerar uu mindi u adeegsaday ku dilay haweeney macalimad Mareykan ah oo fasax u joogtay London, sidoo kalena dhaawacay shan qof kale.

[adsenseyu2]

Isniintii ayey bilaabatay maxkamadeyntiisu, wuxuuna bilowgiiba qirtay danbiga lagu soo eedeeyay oo ah inuu si aan rabitaankiisa aheyn uu u geystay weerarkan mindida. Dacwad oogayaasha booliska ayaa sheegay in wiilkan uu kusoo booday xanuun maskaxda, xiligaas uu weerarka uu geystay.

Garsooraha maxkamada ayaa sheegay in cadeynta lasoo bandhigay ee ku saabsan caafimaadka wiilka ay tahay mid uusan mugdi kujirin, isaga oo ku xukumay in si khasab ah loogu hayo xarunta lagu xanaaneeyo dadka maskax ahaan u xanuunsan, xili aan la cayimin.

Wuxuuna amray in wiilkan lagu hayo isbitaalka Broadmoor-sykehuset mudo aad u dheer oo aan la cayimin, loona ilaaliyo heerka ugu sareeyo( Maks sikkerhetstiltak). Hadii ay muuqato in loo wareejiyo isbitaal ilaaladiisu ay hooseyso, wuxuu sidoo kale halkaas joogi doonaa sanado badan.

Garsooraha ayaa raaciyay in hadiiba ay dhacdo in wiilkan dib loogu soo celiyo mujtamaca laga qaban doono ilaalo joogto ah.

19-jirkan soomaaliga ee heysta dhalashada Norway ayaa sanadkii 2003 ka guuray Norway, wuxuuna London kula noolaa qoyskiisa.

Wargeyska Guardian ayaa qoray in wiilkan uu dhowr mar dowlada weydiistay daryeel caawin caafimaad, maadaama uu la dhibaateysnaa xanuuno maskaxeed.

Xigasho/kilde: NTB

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x