Xisbiga Rødt: Waxaan dalbaneynaa in xukuumadu ay ka laabato go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaalida ah

0
184
Xogyaha xisbiga Rødt: Mari Eifring Foto: André Løyning.

Xisbiga Rødt oo kamid ah xisbiyada siyaasada dalkan Norway ee u janjeero dhinaca bidixda fog, ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay iney dalbanayaan in baarlamaanka Norway uu dood ka furo, isla markaana xukuumadu ka noqoto, arinta dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600 qof. 

Rødt ayaa sidoo kale qoraalkooda si cad ugu sheegay ineysan xisbiyada kale, gaar ahaan AP, SP, KRF iyo venstre la qabin heshiiskii ku saabsanaa adkeynta sharciyada qoxootiga, kaas oo gundhig u ahaa arinta dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga soomaaliyeed. 

Waxey sidoo kale sheegeen in go´aanka dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed uu yahay mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ee qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah.

Xukuumadu labo carab ayay ku kala hadleysaa. 

Xogyaha xisbigaas Rødt Mari Eifring(sawirka hore) ayaa qoraalka uu xisbigeedu soo saarey ku sheegtay in xukuumadu ay dadaal ugu jirto iney sharciyada magangalyada kala noqoto qoxooti soomaaliyeed, ayna dib ugu celiso wadankoodii. Dhanka kalena waxey muwaadiniinta norwiijiga uga digeysaa iney u safraan Soomaaliya, sababtoo ah amaankeeda ayaan aheyn mid la isku haleyn karo. 

Eifring ayaa sidoo kale sheegtay sheegtay in go´aankaas uu  wel-wel badan galisay dad magangalyo iyo nolol ku heysto wadanka, maadaama ay saameyn balaaran ku yeelan karto dad badan oo Norway dagan. 

[adsenseyu2]

Dhanka kale waxaa qoraalka kasoo baxay xisbigaas, lagu sheegay in dowladu ay ka madax adeegeyso digniinta qaramada midoobay ee ku aadan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed xiligan hada la joogo. 

Hadii la rabo in qof qoxooti ah wadankiisii dib loogu celiyo waa in la xaqiijiyaa in amaanka dalka qofka lagu celinayo uu yahay mid amaan waaraya ah, kaas oo la isku haleyn karo. Arintaas oo aan hada muuqan Soomaaliya, ayay sheegeen Rødt. 

Rødt: Mucaarad iyo muxaafid waa heshiis markan:

Qoraalka ay Rødt soo saareen ayay ku iftiimiyeen sida xisbiyada siyaasada wadanka Norway oo aragti ahaan kala duwan waxyaabo badan aan isku waafaqin, ay markan heshiis ugu yihiin arinta ku saabsan dib u celinta qoxootiga magangalyo doonka ah. Waxeyna sheegeen in siyaasada cusub ee qoxootigu aysan jirin mucaaridkii iyo muxaafidkii horey loo yiqiinay. 

Soomaali ayay ku qoreen: 

Qoraalka ay Rødt soo saareen waxaa la socday qoraal kale oo af soomaali ku turjuman, kaas oo isna lagu soo daabacay webka ay Rødt ku leeyihiin intnetka.

Inkasta oo qoraalkaas uu yahay mid aan sifiican u tifaftirneyn(Google translate?), hadana wuxuu muujinayaa in Rødt ay ugu talo-galeen iney xiriir toos ah la sameeyaan soomaalida, qoraalkoodana uu gaaro.  Halkan ka akhriso qoraalkaas: Rødt.no 

Rødt Baarlamaanka Norway hal xildhibaana kuma lahan: 

Waa arin aad loogu riyaaqo in xisbi kamid ah xisbiyada siyaasada ee dalkan uu sidaas qayaxan u muujiyo dareenkiisa ku aadan arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed, walibana ay Af soomaali kusii qoraan.

Laakiin xaqiiqada ayaa ah in Rødt uu yahay mid aad u yar, oo aan saameyn balaaran ku laheyn masraxa siyaasada marka la joogo heer qaran. Hal xildhibaana Rødt kuma lahan 169 xildhibaan ee golaha shacabka Norway, lagumana soo daro doodaha siyaasada waaweyn ee la qabto xiliyada doorashada.

Saas oo ay tahay hadana waxey fahmeen arin aysan fahansaneyn(sida muuqata) xisbiyada waaweyn, gaar ahaan Ap oo asagu lihi iyo raasamaal ahaan u qaatay codadka ajaaniibta, soomaalidu haba ugu darnaatee. Waana in xiriir toos ah lala sameeyo jaaliyadaha ajaaniibta tiro ahaan wadanka ku badan, lana garab istaago xiliyada dhibaatada, sida tan soomaalida heysata oo kale. Si markaas hadhow loo kasbado kalsoonidooda.

Waxaa Rødt kamid ah siyaasiyiin soomaali ah, oo qaarkood tartamo usoo galey doorashada golayaasha deegaanka, gaar ahaan Oslo.

Xigasho/kilde: Rødt.no 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments