Xagee ku danbeeyay xaalka Bushro Jama iyo qoyskeeda

0
201
Qareenka Bushro: Daniel Riibe

Wargeyska lokalka ah ee Vesteraalens- avis ayaa warbixin gaaban oo oppdatering ah ka qoray, xaalada Bushro Jama oo ah gabadhii soomaalida aheyd oo hey´ada laanta socdaalka ee UDI-du, ay usoo dirtay warqad lagu amranayo iney wadanka isaga baxdo. Kadib markii ay kala noqotay sharciga dal kujooga.

Qareenka u doodaya Bushro Jama iyo qoyskeeda ayaa wargeyska VA u sheegay in kiiska Bushro hada laga wareejiyay UDI-da, loona wareejiyay hey´ada Utlendingsnemnda. Wuxuuna raaciyay in isaga iyo qoyskan soomaalida ah ay isla guud mareen warqada wareejinta, iyaga oo isku diyaarinaya ka jawaabista eedeymaha ay UDI-du la timid.

Qareenkan ayaa sidoo kale sheegay in shirkadiisu ay wada-hadal kula jirto shirkad baaritaan ku sameyso luuqadaha/lahjadana si loo cadeeyo saameynta ay guur-guurista soomaalidu ku yeelan karto lahjadaha. Lahjada ayaa ah qodob kamid ah qodobada ay UDI-du u adeegsatay kala noqoshada sharciga Bushro, waxaana ay sheegeen iney Bushro ku hadleyso lahjad ka duwan tan deegaanka ay sheegtay iney asal ahaan kasoo jeedo.

Daniel Riibe oo ah qareenka Bushro ayaa sidoo kale raaciyay iney dadaal ugu jiraan, sidii Bushro iyo qoyskeedu ay ugu sii nagaan lahaayeen Norway, gaar ahaan deegaanka Hadsel oo qoyskan degenaayeen mudo badan, caruurna ay ku dhaleen.  

Dadka deegaanka ay Bushro degantahay ayaa taageero aad u weyn la garab istaagay qoyskan soomaalida ah, waxeyna sameeyeen sadex mudaaharaad oo ay ku dalbanayaan in UDI-du ay dib uga noqoto sharci kala noqoshada Bushro. Iyaga oo cod dheer ku sheegay in hooyadan soomaalida ah iyo qoyskeeduba, ay tusaale muuqdo oo ku dayasho mudan u yihiin dhamaan qoysaska ajaaniibta ah ee ku dhaqan deegaankaas. Maadaama ay mudo kooban kudaheed hirgashadeen nolol isku filnaasho ah, deegaankana ay sifiican ula qabsadeen. 

Xigasho/kilde: vesteraalensavis-Papir-avis( 10-1-2017, side 4). 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments