Wasiirada arimaha qaxootiga iyo soo galootiga Sylvi Listhaug ayaa soo jeedisay in qaxootiga magangalyo doonka ah ee diidmada la siiyay, laguna wargaliyay in dib loogu celinaayo wadankoodii lugta looga xiro qalab elektronikk ah si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

2743 qof oo qaxooti ah ayaa laga soo bilaabo 1 januar ilaa iyo 30 november sanadkii hore ka baxsaday kaamamkii ay ku jireen, ilaa hadana aysan dowladu ogayn meel ay u baxsadeen. Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay aad uga walwalsan tahay qaxootigaas aan la garanayn meel ay ku sugan yahiin.

Wargayska Aftenposten ayaa horey u shaaciyay in Politidirektoratet ay horey usoo sahmiyeen macquulnimada in qalabkaas lagu xiri karo si loola socdo dhaqdhaqaaqa qaxootiga diidamada la siiyay, sugayana in dib looga masaafuriyo wadanka.

Sylvia ayaa sheegtay inay aminsantahay in qalabkaan lagaga hortagi karo weerada argagixiso. Waxayna sii raacisay anagoo ka waano qaadanayno weeradadii argagixiso ee lagu qaaday qaar ka mid ah wadamada yurub, aan ku qasbanahay inaan sare u qaadno taxadarka amaanka dalka. Waxayna sheegtay in qalabkan lagu xiri doono oo kaliya dadka lagu wargaliyay inay wadanka iskaga baxaan.

Dowlada ayaa lagu dhaleeceeyay in caruur yar yar iyo walidkooda ay ku xiran yahiin xabsigaTrandum, si looga masaafuriyo wadanka. Sylvia Listhaug ayaa  sheegtay inay aaminsantahy in qalabkaan uu sahli karo in caruurtaas iyo waalidkooda aysan kala xirnaan, lakiin meshii ay rabaan mari karaan iyagoo lala socdo dhaqdhaqaaqooda.

Waxay sidoo kaloo sheegtay in uu qalabkan anfici doono kooxo kale oo danbiyo kala duwan lagu haysto, lakiin wadamadoodii ay diiden in dib loogu soo celiyo iyo kuwa kale oo aan la garanayn aqoonsigooda oo ay boolisku ka walwalsan yahiin inay falal argagixiso ka fuliyaan wadanka.

Dhanka kale ururka u dooda xaquuqada qaxootiga Norsk Organisasjon for Asylsøkere (NOAS) ayaa arintaan ka soo horjeestay kuna dhaleeceeyay dowlada, waxeyna ku tilmaameen in dowladu ay aad ugu dheeraatay dhamaan qaxootiga oo dhan in lagu wado xiro qalabkan, maadama aysan  dhamaantooda wada haysan aqoonsiyo, ayay sheegtay Siri Berglund oo u hadleysay ururrka NOAS.

 

Kilde/xigasho:TV2.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz