tirsdag, april 23, 2024

Sweden: 46.000 qof ayaan magangalyo siinay sanadkii 2016

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee dalka Sweden, ayaa sheegtay in dad gaarayo 46.000 oo qof ay dowlada Sweden magangalyo ka heleen sanadkii lasoo dhaafey ee 2016.

Tiro gaareyso 17.000 oo dadkaas kamid ah, waxay heleen sharciyo magangalyo-qoxootinimo oo toos ah, halka 47.000 oo kamid ahna ay heleen sharciyo noocyo kale ah, maadaama ay baahi baahiyo nabadgalyo oo kala duwan.

Dowlada Sweden ayaa sanadkii lasoo dhaafay qaabishay 112.000 oo codsiyo magangalyo qoxootinimo ah. Waxeyna aheyd tiradii ugu badneyd ee codsiyo magangalyo, oo dowlada dalkaas ay abid qaabisho ama ay ka shaqeyso hal sano gudaheed.  

Dalkan Norway ayaan wali soo saarin tirada dadka ay magangalyo siiyeen sanadkii hore ee 2016, balse waxay tirokoobyadii ugu danbeeyay ee lasoo saarey bishii desember ee sanadkii hore, ay sheegayeen in dad kor u dhaafayo 3.200, ay magangalyo soo weydiisteen dalkan Norway. Tiradaas oo ah mid aad iyo aad uga yar, tirada dadka magangalyada weydiistay dalka Sweden. 

Norway ayaa sanadkii hore noqotay mid kamid ah dalalka ugu adag ee qof uu magangalyo weydiisto, waxeyna tartan adag oo dhanka ku adkeynta magangalyo-doonayaasha ah, ay kula jiraan dalka Denmark. 

Xigasho/kilde: NTB-TT

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x