Inta badan guddiga joogtada iyo xubnaha barlamaanka ee xisbiga SP ayaa rabo in niqaabka ama indha- shareer laga mamnuuca dhamaan goobaha dadweynaha. Arintaan ayaa waxay ka mid ahayd barnaajimka xisbiga ee sida hordhaca ah usoo baxay isniintii, sida laga soo xigtay wargaysa Dagen.

Barnaamijkan mamnuucida niqaabka ayaa xisbiga dhexdiisa ay ku kala aragti duwan yahiin, iyagoo qaar ka mid ah xisbiga ay ka soo horjeesteen qorshahan.

Kjersti Toppe (SP) oo ka mid ah xubnaha baarlamanka ugu jiro SP sidoo kalane ka mid ah gudigga joogtada ahee xisbiga ayaa ka soo horjeesatay barnaajimkan, waxayna kuna tilmaamtay mid aan macquul ahayn.

«Anigu ma arki baahi loo qabo xiligan la joogo in niqaabka laga wada mamnuuco dhamaan goobaha la iskugu yimaado. Waana arin aad u adag, mana fahmi karo sababta ay mamnuucida ugu wajahantahay dhamaan xuramaha dadwaynaha, Sababtoo ah hadii mamnuucida ay ku ekaan lahayd iskuulada iyo goobaha kale ee wax barashadada waan fahmi lahaa. Lakiin marka la dhaho dhamanaan goobaha la iskugu yimaado, waxaa xitaa soo hoos galayo xafiisyada, Hospitalada iyo meelaha kale ee dad waynaha ka dhaxayso. Sidaas dardeed ayaan go’aansaday inaan banaanka ka istaago qorshahan ayay tiri Kjerti Toppe»

Wargaysa Dagbaladet ayaa todobaadkii hore soo daabacay in afartii qof ee Norway kunoolba, sadex ka mid ah ay rabaan in niqaabka la mamnuuco. Sidoo kale xisbiyada AP, Venstre, SV, Frp iyo SP ayaa horey sanadkii horey u taageeray in barlamaanku  mamnuucaan Niqaabka. Waxaana dhici karta in sanadkan dhexdiisa laga mamnuuco niqaabka goobaha waxbarashada.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz