torsdag, mars 28, 2024

Soomaalida Sweden oo ka cabaneyso guryo la´aan lasoo daristay

Wadanka Sweden ayaa labadii sano(2015+2016) ee lasoo dhaafay, magangalyo siiyay qoxooti gaaraya ku dhawaad 200.000 qof gaaraya. Waxeyna taas sababtay iney dhalato xaalad ciriiri xaga guryahaya dowlada ah, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn oo dib u dajin u sameeyay qoxooti badan. 

Soomaalida ku dhaqan dalkaas Sweden oo intooda badan dagan guryaha dowlada, ayaa ka cabanaya guryo la´aan baahsan oo soo food-saartay. Waxeyna sheegeen in safaf dhaadheer loogu jiro helida guryaha dowlada, taasina ay sababto iney mudo dheer guryo la´aan noqdaan. Qaarkoodna ay dulsaar ku yihiin qoysas ay qaraabo yihiin, kadib markii ay guryo ka waaweeyn qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. 

Dhaqaatiirta Sweden ayaa ka deyrinayo dhibaatada xaga caafimaad ama maskaxeed ee caruurta qoysaska soo galootiga kasoo gaari karta xaaladaha guryo la´aanta. Sidoo kale macalimiinta iskuulada ayaa sheegayo in ilmaha soo galootiga ah ay soo gaarto culeys nafsiyan ah, marka ay kujiraan xaalad guri la´aan ama ay dulsaar ku yihiin qoysas kale.

Sidaas dareeedna ay lumin karaan xiisaha iyo hamiga iskuulka iyo waxbarashada, ugu danbeyna ay iskuulada ka dhici karaan.  Macalimiinta ayaa hadalkooda raaciyay in caruurta ay heysato xaaladaha guri la´aaneed ay mar walba ka muuuqato diif iyo daal u gaar ah, mararka qaarkoodna ay fasalka ku lulmoodaan. 

Dhibaatada guryo la´aan Sweden kaliya ma ahan:

Dhibaatada qoysaska soomaaliyeed ka heysato guryo la´aanta kuma eka SWEDEN oo kaliya, waana mid kajirta inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadamada galbeedka. Waxaana taas sabab u noqon kara qoysaska soomaalida oo badanaa degan guryo kiro ah ama guryaha dowlada. Sidoo kale waxey soomaalidu dhalaan caruur tiro ahaan ka badan ajaaniibta kale, taas oo sababta inaan badanaa lagu deg-degin in guryaha laga kireeyo. 

Culimada iyo gacansatada soomaaliyeed xal ha keenaan:

Dhibaatada guryo la´aanta sidaas ayey usii jiri doontaa, hadii aysanba kasii darin. Sidaas darteed culimada soomaaliyeed ee galbeedka dib ha isugu noqdaan oo dhibaatada guri la´aanta soomaalida ha u fakaraan xalkeeda. Sababtoo ah waxaa jiro qoysas badan oo soomaali ah, kuwaas oo awood u leh iney guri iibsadan, laakiin ka baqaya lacagta ribada ah ee dulsaaran deynta guryaha. Waxeyna taas keentaa iney abid kujiraan guurguurid iyo hadba guri badalasho. 

Sidoo kale ganacsatada soomaaliyeed iyo dadka xawaaladaha iyo bankiyada gacanta ku hayo, waxaa la gudboon iney arintaas il gaar ah ku eegaan, kana faa´iideystaan fursadaha gacansi ee halkaas ka banaan.

Xigasho/kilde: Somaliska

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x