Dukaanka wayn ee Rema 1000 ayaa bilaabay inuu joojiyo cuntooyin iyo cabitaano badan oo uu caan ku ahaa iibinteeda muddo badan. Cabitaanada caanka ah ee uu joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Coca Cola, Fanta iyo Urge.

Waxuu sidoo kale uu dukaanka joojiyay iibinta dhamaan wax yaabaha ay soo saarto shirkada wayn ee canaha Tine yt, sida caanaha Tine iyo Tines Is-te.

Arintaa ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii uu Rema 1000 bilaabay inuu dhamaan adeegiisa uu isagu keensado, kana tala baxo inuu shirkadahaas uu wax ka soo iibsado, isagoona sidoo kale  shirkad lagu magacaabo Ringen ay noqon doonto shirkada adeega u keeni doonto.

Shirkadaha qaarkood ayaa iskooda iskaga baxay heshiiskii ay kula jireen Rema 1000, kadib markii ay arkeen iney heshiis cusub oo uu dukaankan la galay shirkado kale oo ay isku alaabo keeni doonaan, iyagoo arintaan ku tilmaamay isku dhac dhinaca alaabada ah oo imaandoonto.

Dhanka kale dukaanka Rema 1000 ayaa ku tilmaamay arintaan inuu rabo in uu macaamishiisa uu u keeno cunto iyo cabitaan tayo sare leh oo økologi ah.

Halkan ka aqri qaar ka mid ah cuntooyinka iyo cabitaanada uu joojiyay

  • Dove såpe
  • Knorrs supper
  •  Tine-produktene Yt
  • Tines Is-te og
  • Noisy,
  • Uncle Ben´s
  • Haribo
  • Lerum syltetøy
  • Ajax, Palmolive
  • flere tannkremer
  • en rekke Coca-Cola-produkter, som Sprite, Urge, Fanta,
  • Kims potetchips

Xigasho/kilde: P4.no,Nettavisen.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz