torsdag, mars 28, 2024

NAV oo ogaan karta hadii aad melde-kortka ka buuxiso wadanka dibadiisa

Hey´ada NAV ayaa sheegayso in sanadadii ugu danbeeyay ay fashiliyeen dad badan oo lacago khiyaano ah oo aysan xaq u laheyn ka qaadan jiray Nav, kadib markii la ogaaday iney kaarka Melde-kortka ay kasoo buuxiyeen wadamo Norway ka baxsan. Waxeyna sheegeen iney baaritaan ku sameeyeen IP-adresska(numberka cinwaanka u ah internetka computerka uu qofka melde-kortka ka buuxiyay), sidaasna ay ku ogaadeen meesha uu qofku ku suganyahay markaas.

Sida uu qorayo NRK, waxaa isbuucan magaalada Drammen maxkamad lagu soo taagi doonaan labo qof oo lagu heysto arimo noocaas ah, kadib ay NAV ogaatay in meldekort(kooda) laga buuxiyay wadamada Ciraaq iyo Spain.

Sanadkii 2014 ayaa magaalada Hamar, waxaa nin lagu xukumay xabsi ay shuruud ku xirantahay, kadib markii la ogaaday inuu Melde-kort ka buuxin jiray wadanka Kurdistaan.

Bishii January ee sanadkii 2016 ayaa sidoo kale waxaa nin lagu xukumay xabsi, kadib markii la ogaaday inuu 14-kii maalinba mar meldekortka kasoo buuxin jiray wadanka Thailand, isaga oo halkaas khamaar ku ciyaari jiray. Ninkan ayaa isku dar NAV ka helay mudadaas lacag dhan311.800 nok oo lacagta la siiyo dad aan shaqeyn karin ama dhaawac uu shaqada kasoo gaaray.

Xigasho/kilde: NRK, Nettavisen. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x