torsdag, april 18, 2024

MDG: Waxaan rabnaa in sharci la siiyo dadka sharci la´aanta wadanka ku ahaa 7 sano

Xisbiga MDG(Miljøpartiet De Grønne) oo ah xisbi siyaasadeedaad aad ugu janjeera arimaha deegaanka, ayaa sheegay inay rabaan soo jeedinta qorshe sharci lagu siinayo dadka sharci la´aanta wadanka ku dhex ahaa 7 sano. Sidoo kale caruurta wadanka sharci la´aanta ku ahaa 4 sano ayey sheegeen inay mudanyihiin in sharci magangalyo la siiyo. 

Xisbigan ayaa shaley si hordhac ah uso bandhigay qorshohooda ololaha doorashada baarlamaanka ee sanadkan 2017. MDG ayaa xal xildhibaan oo kaliya ku leh golaha baarlamaanka, wuxuuna aad ugu xooganyahay magaalooyinka waaweyn sida Oslo oo ay golaha deegaanka ku leeyihiin 4 qof.

MDG ayaa sidoo kale sheegay awooda iyo qarashka ay laanta socdaalku ku bixineyso  dabagalka codsiyada dadka wadanka degenaa mudo, ay tahay mid si khalad ah loo isticmaalayo.

Xisbigan ayaa sidoo kale kamid ah xisbiyada isku raacay mooshinka awooda sharciyeed looga qaadayo hey´ada laanta socdaalka ee baarlamaanka Norway la rabo in la horgeeyo. Waxaana mooshinkaas isku raacsan xisbiyada SV oo soo jeedinta lahaa, Ap, Sp, V iyo MDG. Waxaana ka maqan KRF si ay u helaan aqlabiyad ay mooshinkaas ku meel-mariyaan. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x