lørdag, april 20, 2024

(Falanqeyn): Knut A. Hareide: Erna Solberg ama anaga ama FRP midkood ha doorato!

Waxaa bilaabmay hordhaca olalaha doorashada baarlamaanka ee sanadkan 2017 dhici doono. Gudoomiyaha xisbiga KRF Knut A. Hareide ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska VG, marlabaad ku cadeeyay in xisbigiisu uusan isbaheysi-xukuumadeed la sameysin doonin xisbiga FRP.

Knut Arild ayaa sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu isbaheysi la sameysto Høyre iyo Venstre. Laakiin wuxuu meesha ka saaray inuu marnaba la shaqeeyo xisbiga FRP. Wuxuuna reysulwasaare Erna Solberg kala dooranyihiin inay KRF taageerto ama FRP, laakiin aysan labaduba isku heli doonin sidii 2013 oo kale. Isaga oo dhanka kalena sheegay in hadii ay xaaladu si kale noqoto, ay albaabada u furi doonaan inay la shaqeeyaan xisbiyada dhinaca bidix ee uu Ap hogaamiyo.

Hadalkan kasoo yeeray KRF ayaa niyad-jab ku ah reysulwasaaraha hada joogto ee Erna Solberg, sababtoo ah waxaana aad u wiiqmaya jaaniskeeda ah inay reysulwasaare sii ahaato afar sano oo kale.

[adsenseyu2]

KRF ayaa doorashada sanadkan 2017, ah xisbiga jokerka ah ee lagu dagaalamayo soo jiidashadiisa. Hadii ay Erna Solberg KRF ku qancin weydo inay la shaqeeyaan, waxey u muuqataa inay boorsooyinkeeda  usii xir-xiran doonto Bergen.

Marka laga soo tago diidmada KRF ee la shaqeynta FRP, waxaana Erna Solberg heysato dhibaato kale oo ah, in taageerada xisbiga Venstre ay si aad ah hoos ugu dhacday labadii sano ee ugu danbeeyay. Dhowr mar ayuu Venstre ka hoos-maray tirada ugu yar ee codadka xisbi looga baahanyahay, si uu baarlamaanka xubno ugu yeesho. Venstre ayaa taageerayaal badan ku lumiyay kadib markii ay soo jeediyeen in canshuur dheeri ah la saaro tigidada diyaaradaha sanadkii hore ee 2015.

Hadii ay KRF ka dhabeeyaan hadalkoodaas, waxaa Erna Solberg u banaan oo kali ah inay dowlad la dhisato FRP iyo Venstre.(Waa hadii ay ogolaadaane). Arintaasna uma eka mid macquul noqon karto, marka laga qiyaasqaato cod bixinada online-ka lagu qaaday bilihii ugu danbeeyay.

Xisbiga FRP oo afartii sano oo ay xukuumada kujireen, sameeyay go´aano uu dhaxalkooda socon doono sanado, ayaa hada u muuqdo mid aan heysan fursad ay marlabaad kusoo noqdaan doorashada sanadkan.

Jonas Gahr Større oo jaanis weyn heysto:

Diidmada KRF ee la shaqeynta FRP, waxey bishaaro u tahay Jonas Gahr Større oo ah qofka Erna Solberg kula loolamayo kursiga reysulwasaaraha. Ap ayaa ah xisbiga ugu weyn wadanka marka la fiiriyo cod ahaan iyo saameynba. Codbixinadii ugu danbeeyay ee online-ka lagu qaaday, waxey muujinayaan in Ap uu mar kale noqon doono xisbiga ugu weyn  wadanka.

Intaas waxaa usii dheer in xisbiga kale ee Sp uu helay taageerayaal badan, labadii sano ee ugu danbeysay. Sp ayaa ah xisbi ay muhiimadiisa koowaad tahay danaha dadka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ah. Kuwaas oo hada eex weyn ka tabanaya xukuumada hada jirto ee Erna Solberg. Waanan sababta ugu weyn ay keentay in Sp uu helo taageerayaal badan mudadii ay jirtay xukuumada hada taliso.

SV La iskuma haleyn karo:

Dhowr mar ayuu SV codbixinadii ugu danbeeyay ee internetka lagu qaaday, ka hoosmaray tirada cododka ugu yar ee xisbi laga rabo, si uu baarlamaanka uga mid noqdo. SV oo mar ahaan jiray xisbiga sadexaad ee wadanka ugu weyn, ayaa hada noqday xisbi yare aan la isku haleyn karin. Doorashadii lasoo dhaafay ee 2013,  waxey si dirqi ah uga badbaadeen inay ka hoosmaraan tirada ugu yar. Marka laga tago codad-yaraanta, waxaa SV u dheer khilaaf dhexdooda ah iyo dad waaweyn oo xisbiga kamid ahaa oo diiday inay marlabaad isku soo sharaxaan doorashada baarlamaanka, sida Heiki Holmås iyo Kari Andersen.

SV ayaa hada u muuqdo mid buuxinaya booska ay Ap baneeyeen ee u nuglaanta arimaha soo galootiga iyo dadka laga tiro badanyahay. Ap oo waa lagu tiran jiray inuu yahay mid xisbi u janjeero arimaha soo galootiga, ayaa hada u muuqdo mid ka cararaya in lagu shaabadeeyo inuu yahay xisbi soo galootiga taageero.

Hadii uu Jonas Gahr isku helo Ap, Sp iyo KRF, waxey u badantahay inuu noqdo reysulwasaaraha Norway ee 2017. Hadii ay KRF qancin waayaan, waa inay gacmaha cirka u taagaan si uu SV u helo codad badan. 

Xigasho/kilde: VG-Papiravis,(24-01-2017, side 1), VG-papiravis(22-01-2017)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x