torsdag, mars 28, 2024

Haweeney soomaali ah oo kamid noqotay gudiga maamulka masaajidka Arendal

Azhar Hashi ayaa dagaal dheer oo gashay kadib, kamid noqotay gudiga maamulka masaajidka Arendal, sida uu qorayo TV-ga qaranka Norway ee NRK. Sidoo kale waxaa gudiga kusoo biiray labo qof oo dumar ah oo kale. Waxeyna Azhar arintaas ku tilmaantay ay guul u tahay dimuqraadiyada masaajidka. 

Azhar ayaa sidoo kale sheegtay in arintan ay keeni karto in qof walba uu u fakaro in dadku ay isku qiimo yihiin.  Waxeyna sheegtay iney dumarku muujin karaan in ay qabaan karaan shaqo lamid ah tan ay ragu qabtaan. Iyada raacisay iney muhiim tahay inay caruurtooda tusaan in arintan ay dumarku uga soo bixi karaan si lamid ah sida raga oo kale.

Sida oo qorayo NRK waxey Azhar kahor timid gudoonka masaajidka ay ka tirsantahay, iyada oo abuurtay dood muran dhalisay. Waxeyna sheegtay iney rabtay iney wax ka badasho masaajidka oo maamulkiisa ay ragu faro-maroorsadeen, iyada oo ugu danbeyn ku guuleysatay arintaas. 

Azhar ayaa NRK u sheegtay inuu nin wadada ku istaajiyay, isaga oo weydiiyay sababta ay arintaas u sameyneyso. Wuxuuna su´aalay sababta ay u rabaan iney maamulka uga mid noqdaan, maadaama dumarku ay mar walba joogaan. 

Waxeyna ugu jawaabtay in isla sababtaas ay tahay sababta ay u rabaan iney maamulka masaajidka uga mid noqdaan. Maadaama ay dumarku ay dumarku meel walba joogaan, maxaa noo diiday inaan qeyb ka noqono gudiga maamulka?

Josef Hæier oo ah afhayeenka masaajidka ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in haween aktiv ah ay maamulka masaajidka kamid noqdaan. Wuxuuna raaciyay in dhamaan dadka xubnaha ka ah masaajidka   ay mudanyihiin iney ka dhex muuqdaan gudiga maamulka masaajidka.

Sida uu qorayo NRK, masaajidka Arendal ayaa ah dhowr masaajid oo faro ku tiris ah kuwaas oo maamulkiisu ay kamid yihiin dumar. Azhar Hashi ayaa rajeyneyso in masaajidada kale ay dumarka kusoo daraan gudiga maamulka. iyada oo masaajidada Grimstad iyo Kristiansand ku boorineyso iney arintaas oo kale ku dhaqaaqaan.

Kilde/xigasho: NRK.NO 

[adsenseyu2]

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x