fredag, mars 29, 2024

FRP oo lagu heysto sawirkan ay bartooda facebooga soo dhigeen

Barta facebooka ay ku leeyihiin xisbiga FRP, ayaa waxaa maalmo kahor lasoo dhigay sawirkan oo uu la socday qoraal iidheh ama xayeysiin loogu sameynayay go´aankii dhawaan la dhaqangaliyay, Kaas oo ku saabsanaa in da´yarta ceyrta qaata  ay subixii imaadaann xafiiska NAV, si loogu diro howl-maalmeed.

 

FRP ayaa ku faanayo in dowlada uu xisboogu kujiro, ay dhaqangalisay go´aankaas adkeynaya qaadashada ceyrta ee dhalinyarada kayar sodonka sano. Waxeyna soo raaciyeen sawirkan kore oo ah nin dhalinyaro oo fadhiga ku hurdo, isaga oo caajis darteed u dhameystiri kari waayay inuu dhameysto cunista hambeegar uu bilaabay goosashadiisa.

Dad badan ayaa taas u fasirtay in FRP ay u danleeyihiin in dhamaan dhalinyarada ceyrta qaadata ay yihiin caajislowyaal aan nolosha ujeedo ka laheyn, oo xitaa aan awoodin iney hambeegar agtooda yaala cunaan, sida ninkaas oo kale.

[adsenseyu2]

Dadka commentiyada(afkaaraha) ka baxsaday sawirkan, ayaa ahaa kuwo hadaladooda laga dheehan karey xanaaq. Waxeyna sheegeen in FRP uu caay bareer ah kula kacay da´yarta qaadata ceyrta oo qaarkood ay nolosha iyo dantu ay ku qasabtay.

Waxeyna sheegeen in sawirkaas uusan aheyn mid ka turjamayo xaqiiqada xaalada dhabta ah, ee dhamaan da´yarta ceyrta qaadata.Qaarkood ayaa soo qoray sheekooyin ku saabsan noloshooda iyo dhibaato ama xanuuno lasoo darsay, kuwaas oo ku qasbay inay ceyr qaataan ama shaqeysan waayaan.

FRP: Waa xaqiiqo jirto

Erlend Wiborg oo ah xildhibaan katirsan xisbiga FRP ayaa NRK u sheegay in xisbigiisa uusan cidna u gafin, balse ay xaqiiqo jirto tahay in dhalinyaro badan oo iskuulada ka dhacay aysan shaqeysin. Sidaas darteedna ay doorbidayaan iney ceyr ka qaataan NAV, fadhigana ay isaga hurdaan. Wuxuuna raaciyay in arintaas ay dhibaato ku tahay mujtamaca guud ahaan iyo shaqsigaba.

Wiborg ayaa sheegay in qof walba oo ceyr qaato uusan aheyn caajislow, balse ay jiraan dad badan oo noocaas. Wuxuuna raaciyay in hadii ay waqti badan kusii jiraan qaadashada ceyrta, uu yaraanayo jaaniskooda ah iney  suuqa shaqada dib ugu soo noqdaan. Sidaas darteedna loo baahanyahay in hada la howlgalo.

Dad badan oo kamid ah taageerayaasha u codeeyo xisbiga FRP waa dadka aan shaqeysan, ceyrta ama kaalmada dowlada qaata , iskuulada ka dhacay ama waxbarasho heer jaamacadeed aan gaarin, iyo waliba dadka meelaha tuulooyinka fog fog dagan. 

Mudadii ay FRP kujireen dowlada, waxey jareen lacago badan oo kaalmo ah oo la siin jiray dadka aan shaqeysan iyo kuwo tabarta yar, sidaas darteed waxaa muuqato in caro xoogan ay dhextaalo FRP iyo taageerayaashiisa. Muranka ka dhashay sawirkana, wuxuu qeyb ka yahay caradaas taxanaha aheyd sadexdii sano ee ugu danbeeyay. 

Xigasho/kilde: NRK.  

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x