tirsdag, april 23, 2024

Fariin ku socoto waalidiinta soomaaliyeed iyo ardeyda dhigata dugsiyada hoose-dhexe

Ma tahay waalid soomaaliyeed oo heysto caruur dhigata dugsiga dhexe ee dhalinyarada(ungsomskole)-fasalkiisa 10-aad ama adigu ma dhigataa dugsiga hoose-dhexe ee dadka waaweyn?.

Hadii aad tahay labadaas group midkood ama aad si guud u xiiseyso waxbarashada, waxey NorSom News kugu wargalineysaa in fristiga codsiga dugsiga sare ama taariikhda ugu danbeyso ee uu qofku codsan karo videregående ay ku egtahay:

A)01/02-2017-Kowda bisha Febraury: Waa maalinta ugu danbeyso ee ardeyda dhigata dugsiga hoose-dhexe ee dadka waaweyn(grunnskole for voksne), ay codsan karaan dugsiga sare ee VGS. Waana muhiim in codsiga la diro maalintaas kahor, maadaama ay cilad farsamo imaan karto maalintaas, sidaas darteedna ay dhici karto inaad ku boos weydo. Hadii aadan maalintaas codsan, waa inaad sugtaa sanadka 2018(sanad kaamil ah), si aad mar kale u codsoto.

B)01/03-2017( Kowda bisha Maarso): Waxaa maalintaas ku eg xiliga ay ardeyga dhigata dugsiga hoose-dhexe ee dhalinyarada (vanlig ungdomskole/grunnskole)  codsan karaan dugsiga sare ee VGS.

FG!: Sanad walba waxaa dhacdo in ardey badan oo soomaali ah ay ku iskuul waayaan, kadib markii ay ka dib dhacaan maalintaas fristiga ah. Inkasta oo iskuulada iyo macalimiinta ay xil aad ah iska saaraan in ardeyda dhigata ungdomskole ay codsiga diraan, hadana waxaa waalidiinta soomaaliyeed la gudboon inay taariikhdaas maskaxda si gaar ah ugu hayaan, meelna ku hubsadaan in ilmahooda ay codsiga iskuulkada sare ay xareeyeen.

Hadii aadan wali go´aansan linjaha ama qeybta waxbarashada ee aad ka codsan karto dugsiga sare, waxaad booqataa labadan weyseyd(nettside) ee loogu tala-galay inay ardeyga ka caawiyaan doorashada waxbarashada dugsiga sare.

Utdanning.no, Vilbi.no 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x