fredag, mars 29, 2024

Dumar soomaali ah oo maanta ku banaanbaxay barnevern-ka

Dumar soomaali ah oo gaaraya ilaa 50 qof ayaa maanta banaanbax ka dhigay afaafka hore ee wasaarada qoyska iyo caruurta. Dumarkaas oo sida uu qoray wargeyska Fontene ka cabanayay hey´ada xanaanada caruurta ee barnevernka. Waxeyna dumarkan banaanbaxooda kasoo bilaabeen xaafada Grønland. 

Tasmiya Abdifitaax oo kamid ah dumarka maanta banaanbaxa dhigay, ayaa sheegtay iney cabasho ka yihiin hey´ada xanaanada caruurta oo dumar badan oo banaanbaxa joogay ka qaatay caruur ay dhaleen.

Waxeyna sheegtay in barnevernku ay wax aqoon ah u laheyn dhaqanka soomaalida. Dhibaatada ugu weyna ay tahay in caruurtii laga qaaday, lagu wareejiyay dad aysan isku dhaqan iyo diin aheyn aheyn. Sidaas darteedna ay caruurtii luminayaan dhaqankoodii iyo diintoodii. 

Dumarkan maanta banaanbaxa dhigay ayaan aheyn kuwo ka socday urur gaar ah, balse waxey ahaayeen dumar is aruursaday oo xumaan ka tabanaya hay´ada xanaanada caruurta. 

Waxeyna dowlada iyo siyaasiyiinta ka codsadeen inay arintaas si dhab ah ay ugu soo jeestaan oo wax ka qabtaan.

Wasaarada qoyska iyo dhalaanka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho mudaaharaadkaas ay maanta dumarka soomaalida ah ka dhigeen wasaarada horteeda. Waxeyna kasoo jawaabi waayeen su´aalo uu u diray wargeyska Fontene.

NorSom News ayaa isku dayday inay xiriir la sameyso qaar kamid ah haweenka soomaalida ah ee maanta banaanbaxa sameeyay, balse nooma suurtagalin. Sidoo kale waxaan ilo xog ogaal ah kasoo xiganeynaa in maanta banaanbaxa uu joogay wariye ka socdo tvga qaranka Norway ee NRK, gaar ahaan barnaamijkiisa Brennpunkt. 

Xigasho/kilde: Fontene. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x