torsdag, mars 28, 2024

Canada: 6 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday masaajid

6 qof ayaa lagu dilay, sideed kalena waa lagu dhaawacay weerar maanta lagu qaaday masaajid kuyaal magaalada Québec ee dalka Canada. Waxaana tiradaas saaka saxaafada u cadeeyay booliska magaalada Québec.

[adsenseyu1]

ilaa kontomeeyo qof ayaa masaajidka ku sugnaa, xiliga weerarka lagu qaaday, oo aheyd xili ay salaad masaajidka ku dhex tukanayeen.  Dadka weerarkan ku waxyeeloobay ayaa u badan rag ay da´doodu u dhaxeyso 35 ilaa 70 sano. Waxaana sidoo kale masaajidka ku sugnaa caruur da´yar, xiliga masaajidka weerarka lagu soo qaaday. Afhayeen booliska u hadlay ayaa sheegay in isku dar 39 masaajidka laga soo saarey iyaga oo bad qaba.

Labo nin ayaa loo qabtay weerarkan lagu qaaday masaajidka, balse sida dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan , waxey raga weerarka geystay ahaayeen ilaa sadex qof.

Lama oga dhalashada labada nin ee ay boolisku ay qabteen iyo ujeedada ay weerarka masaajidka ugu qaadeen, balse dad goobjoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in raga weerarka geystay ay ku hadlayeen lahjada lokalka ah ee magaalada uu masaajidka kuyaalo.

Reysulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay inuu ahaa mid argagaxisnimo, isaga oo sidoo kale ka tacsiiyay dadka ay dhibaatada weerarkaas kasoo gaartay.

Wasiirka arimaha dibada dalkan Norway Børge Brende iyo madaxa gaashaan buurta Nato Jens Stoltenberg ayaa iyagana dhankooda ka canbaareeyay weerarkaas. 

Weerarkan masaajidka lagu qaaday ayaa kusoo beegmayo xili maalin hore uu reysulwasaaraha Canada uu sheegay inuu wadankiisa gacmo furan kusoo dhaweynayo qoxootiga iyo dadka kale ee loo diido inay Mareykanka galaan, sagaashanka maalmood oo ay socoto xanibaada Donald Trump. 

Xigashi/kilde:VG.NO 

[adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x