torsdag, april 25, 2024

Aftenposten: Madaxda dunida Islaamka oo ka aamusan xanibaada Donald Trump

Wargeyska Aftenposten ayaa qorayo in ilaa hada madaxda dunida islaamka, aysan wax war ah oo cad kasoo saarin xanibaada uu D.T 7 wadan uu muslim ah ka xanibay iney muwaadinoontooda soo galaan dalka Mareykanka. Marka laga reebo dowlada Iiraan oo mamnuucday in muwaadiniinta iyo ganacsatada Mareykanka ay dalkeeda soo galaan.

Midowga Yurub, Xogyaha qaramada (António Guterres), hogaamiyaha Germany Angela Markel, madaxweynaha Fransiiska François Hollande, reysulwasaaraha dalka Norway iyo madax kale oo badan oo caalamka ah ayaa si toos u canbaareeyay go´aankaas.

[adsenseyu1]

Madaxweynihii dhawaan xilka wareejiyay dalkaas Mareykanka, Barack Obama ayaa dhaleeceyn usoo jeedisay xanibaada Trump, isaga oo sheegay in dhaqanka iyo caadooyinka mareykanka ay hada calaamad su´aal saaranyihiin.

Jaanis ay Mareykanka ugu soo dhawaadaan: 

Henrik Thune oo ah agaasimaha xarunta xalinta khilaafaadka caalamiga ah ee (NOREF), ayaa sheegay in madaxda dowladaha khaliijka iyo Masar ay aamusnaantooda nugeyl iyo beer-laxawsi kaga raadsanayaan Donald Trump iyo Mareykanka.

Tan iyo markii ay Iiraan heshiiska hubka nuglerka la gashay dowladaha reer galbeedka, waxaa sii xumaanayay xiriirka u dhaxeeyo dowladaha khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga iyo dowlada Mareykanka. Trump ayaa balanqaaday inuu heshiiskaas dib u eegis ku sameyn doono, arintaasna waxa u riyaaqsan boqortooda Sucuudiga oo xuluf-cadaaweed  uu kala dhaxeeyo Iiraan.

Abdifitax Al Sisi oo hogaanka dalka Masar kula wareegay inqilaab milatari, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Trump dhowr maalmood kahor. Siisi ayaa  waxaa heysto dhibaato Iiraan ka weyn, wuxuuna Trump ka riixayaa inuu ururka Ikhnaawul muslimiinka ku daro liiska ururada argagaxisa caalamiga ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten:-Papiravis avis side: 5

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x