tirsdag, april 23, 2024

Xisbiyada dowlada oo ugu danbeyn ku heshiiyey miisaaniyada. Ogow maxey ku heshiiyeen

Xisbiyada bah wadaagta dowlada ay hogaamiso Erna Solberg, ayaa rafaad dheer iyo is jiid-jiid kadib, shaley galab isku raacey qorshaha miisaaniyada sanadka dowlada 2017. Xisbiyada KRF iyo Venstre oo qaadacay qorsheyaashii hore, ayaa ugu danbeyn lagu qanciyey iney waxna helaan, waxna ka tagaan oo meel dhexe la isugu yimaado. Taas oo ah badbaado u noqotay xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, oo qarka u saarneyd iney caroowdo. 

Waxyaabihii ay shaley galab ku heshiiyeen, waxa ugu waaweynaa:

Konstantsøtte oo la kordhiyey: Lacagta la siiyo waalidiinta heysta caruurta u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, aana dhigan barnehagaha, ayaa la kordhiyey oo laga dhigey 7500 bishii. Waxeyna ka bilaaban doontaa bisha August 2017. Waxaana muuqato in KRF ay ahaayeen kuwii soo jeediyay fikirkaas, maadaama ay iyaguba ka tanaasuleen qodobo kale.

Lacagta la siiyo hooyooyinka uurka leh oo la kordhiyey: Lacagta kaalmada ah ee la siiyo hooyooyinka uurka leh xiliga dhalmada, iyo waalidiinta soo qaata ilmo ay korsodaan, ayaa lagu kordhiyey 14 200. Waxaana laga dhigi doonaa 61 210, iyada oo hada ay tahay 46 920.

Kaarka busska oo 20% la dhimayo: Kaararka busaska ee magaalooyinka Oslo, Akershus, Bergen, Stavanger og Trondheim ayaa la dhimi doonaa 20%, sanadka soo socdo ee 2017.  Waxaana la sheegay in sidaas loo sameynayo, si dadka loogu dhiirigaliyo iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, ayna yareeyaan isticmaalka baabuurta, si loo dhimo gaaska CO2 oo ah mid waxyeelo gaarsiiya cimilada. 

Lacagta deynta macalimiinta oo qaar la cafin doono: Qodob kale oo ku cusbaa qorshaha miisaaniyada, ayaa ahaa in ardeyda macalimiinta ah, ee xiligii loogu talogaley ku dhameystay kuliyada macalinimada jaamacada, laga dhimo lacagta deynta ah ilaa xad. Waxaa sidoo kale la sheegay in la diyaarin doono qorshe lagu helo macalimiin badan oo dhigta iskuulada goobaha xanaanada caruurta ee barnehagaha.  Venstre ayey u muuqataa in fikirkan ay la yimaadeen, maadaama iskuulada iyo waxbarashadu ay tahay qodobada ay aad u taageeraan.

30 000 ayaad hadiyad ahaan u siin kartaa ururada frivilliga: Canshuurta qofka looga jaro, marka uu hadiyad ama kaalmo siiyo ururada frivilliga ah, ayaa la kordhiyey oo laga dhigey ilaa 30 000 sanadkii.

Canshuurta shidaalka oo kor loo qaadey: Canshuurta laga qaado bensiinka(15%) iyo Diesalka(35%) oo kor loo qaadey. Waxeyna taas keeni doonaa in qiimaha shidaalka oo sare kac ku yimaado.  Waxaa iyadana dhankeeda kor loo qaadey Lacagta laga qaado qofka marka ugu horeyso uu baabuur diiwangalinayo.

Lacagta mucaawinada caalamka oo la kordhiyey: Qorshaha miisaaniyada sanadka 2017, ayaa waxaa kamid ah, in 688 milyan NOK lagu kordhiyo lacagta dowlada Norway ay ku bixiso mucaawinada

Waxaa adkaan doonto iney wada shaqeeyaan:

Xisbiyada heshiiska miisaaniyada sanadka gaarey, ayaa galabta shir jaraa´id oo ay wada qabteen mid walba uu goonidiisa u sheegay, inuu ansixiyey qodobo muhiim u ah isaga. Iyaga oo isla wada qirey in wada hadaladii ku saabsanaa miisaaniyada ay ahaayeen kuwo aan waxba la iskula harin.

Dadka ku xeeldheer wada shaqeynta xisbiyada, ayaa sheegay in muranka ku aadanaa miisaaniyada sanadak 2017, ee heerkaas gaarey uu calaamad u yahay in afartan xisbi ay ku adkaan doonto iney mustaqbalka sii wada shaqeeyaan.  aadaama ay fikrad ahaan sii kala fogaadeen afartii sano ee ugu danbeeyay, oo ay wado shaqeynayeen. 

Qaarkood ayaa sidoo kale su´aal saarey hogaamiyeniyada reysulwasaare Erna Solberg iyo sida ay mustaqbalka u awoodi doonto iney isku wado afartan xisbi. Si gaar ah waxey Erna loogu jeediyey dhaliil ah iney awood badan siisey xisbiga FRP oo ah kan marwalba usoo jiido muranka iyo buuqa ay la kulanto dowlada ay madaxda ka tahay. 

[adsenseyu2]

Xigasho: VG-papir avis, Aftenposten-papir avis, NRK.no

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x