torsdag, mars 28, 2024

Xisbiga Høyre: Dowladu waxey fulineysaa qodobadii heshiiskii ay xisbiyadu galeen

Wargeyska Dagsavisen ayaa su´aal ku saabsan qeylodhaanta ururada tobanka ah weydiiyey Ingjerd Schou, oo ah afhayeenka xisbiga Høyre u qaabilsan arimaha soo galootiga. Waxeyna si cad u qeexday in go´aanada ay dowladu fulineyso ay yihiin kuwo salka ku hayo heshiiskii ay xisbiyadu galeen bishii November ee sanadkii 2015.

Waxeyna sheegtay in heshiiskaas uu dhigayay in magangalyo la siiyo qofkii si dhab ah magangalyo ugu baahan, lana sameeyo siyaasad adkeyneyso systemka magangalyada wadanka. 

Heshiiska ay afhayeenka xisbiga Høyre ee arimaha soo galootiga ay ka hadleyso ayaa baarlamaanka Norway laga dhaqangaliyey bishii Desember ee sanadkii 2015. Waxeyna xisbiyadii saxiisey sheegeen in ujeedku uu ahaa in lagu adkeeyo nidaamka magangalyo siinta qoxootiga, si lagu xakameeyo qoxootigii faraha badnaa ee sanadkii hore kusoo fatahay wadankan Norwey. Dhamaan xisbiyada baarlamaanka Norway wey saxiixeen heshiiskaas, marka laga reebo xisbiyada SV iyo MDG.

Ururada isbaheysiga sameystay ayaa waxey sheegeen in talaabooyinka dowlada ee ku wajahan qoxootiga ay ka dhalan karto cawaaqib xumo bini´aadinimo, isla markaana loo baahanyahay in laga hortago. Waxey sheegeen iney ka welwelsanyihiin xaalada 1600 qoxootiga soomaaliyeed ee dib u qiimeynta lagu sameynayo magangalyadooda, iyo waliba caruurta ka timid wadanka Afgaanistaan ee wadanka sida khasabka ah looga saarayo. Sidoo kale waxey sheegeen iney ka walaacsanyihiin caruur badan oo la siinayo magangalyo kumeel gaar ah. 

Ingjerd Schou ayaa ka gaabsatey iney wax ka dhahdo qodobada ay ururadu tilmaameen, waxeyna sheegtay in dowladu mar walbe ay si dhab ah u qiiimeyneyso qofka u baahan magalgalyo. Waxeyna sheegtay in qofkii u baahan magangalyo dhab ah, la siin doono magangalyo. Schou ayaa intaas raacisey in heshiiska adkeynta nidaamka magangalyada wadanka uu ahaa mid ka yimid inta badan xisbiyada. 

Xigasho/kilde: Dagensavisen.no, Dagensavisen-papiravis(30-11-2016)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x