torsdag, mars 28, 2024

Wiilka dil geystay oo la xirey, kadib markii shaley la geeyay isbitaalka waalida

Wiilkii qirtey inuu ka danbeeyay dilka Yacquub Abdullahi iyo Tone Ilebekk ayaa maanta loo dhaadhiciyey xabsiga, kadib markii shaley la geeyay isbitaalka dadka madaxa ka xanuunsan oo uu xaley ku waabariistay. Waxaana isbitaalka laga soo saarey maanta, isaga si kumeel gaar ah loo xirey labo isbuuc oo ay weheliso in la kontoroolo waraaqaha uu helo iyo cida xabsiga kusoo booqaneyso.

Waxaa maanta lagu wadey in 15 jirkaan lasoo hor istaajiyo maxkamada, balse kama uusan soo muuqan hoolka maxkamada, waxaana taas badalkeeda maxkamada soo xaadirey qareenkiisa.

Wiilkan ayaa shaley qirtey inuu ka danbeeyay dilka labada qof, isaga oo booliska u sheegay inuu kaligii falkaas ka danbeeyay oo ay cidina ku wehelin.  

Xigasho/kilde: TV2

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x