Wiilka dilka geystay iyo Yacquub, waxey u wada ciyaari jireen hal koox oo kubada cagta

0
85
A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan

Wargeyska VG ayaa daqiiqado kahor soo qorey in wiilka 15-jirka ah ee dilka geystay iyo A.U.N Yacquub Abdullahi Hassan ay sanado kahor u wada ciyaari jireen hal koox oo kubada cagta ah, oo ka dhisan magaalada Kristiansand. Waxaana sidaas VG u xaqiijiyey kooxda ay u wada ciyaari jireen labadooduba. 

Booliska ayaa saaka xaqiijiyey in Yacquub iyo wiilka norwiijiga ah ee dilka geystay, ay buss kasoo wada raaceen senterka magaalada, iyaga oo isku meel uga tagay.

Daqiiqado kadibna uu dilka u geystay Yacquub iyo haweeneyda norwiijiga ah. Wargeysyada Intooda badan ayaa qorayo in haweeneydu aysan wax xiriir ah la laheen wiilka dilka geystay, balse ay ku sugneyd meel khalad, saacad khalad ah. 

Booliska ayaan ilaa hada xaqiijin in wax xurguf iyo dagaal  hore ah ay u dhaxeysay Yacquub iyo wiilka dilka geystay, balse waxey sheegeen iney gacanta ku hayaan Mobilkii Yacquub iyaga oo wali baaritaan ku hayo dhacdadan, ayna war kasoo saari doonaan marka ay dhameeyaan. 

15 jirka dilka geystay oo asalkiisu uu yahay norwiiji dhalad ah, ayaa la sheegay in lagu soo koriyey caqiido adag oo Christian ah. Waxaana uu hada kujiraa gacanta booliska, isaga loo dhaadhaciyey xabsiga.

Dhanka kale soomaalida magaalada Kristiansand ayaa sheegtay iney ku faraxsanyihiin in boolisku ay ugu danbeyn soo qabteen qofkii ka danbeeyay dilkan, isla markaana ay ku gudo jiraan xaqiijinta macluumaadka ku saabsan falkan foosha xun ee argagaxa leh.

Mohamed Dalmar Shirwac oo ah gudoomiyaha ururka jaaliyada Kristiansand ayaa sheegay in jaaliyada soomaaliyeed ee deegaankaas ay ka argagaxeen dilkan shaley, laakiin ay maanta xoogaa neefsan karaan, maadaama lasoo qabtey qofkii ka danbeeyay dilkan.

Xigasho/kilde: VG, P4 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments