torsdag, mars 28, 2024

wiil 15 jir ah oo qirtey inuu ka danbeeyay dilka labadii qof ee lagu dilay Kristiansand

Booliska magaalada Kristiansand ayaa xaqiijiyey iney wiil 15 jir ah u qabteen dilkii Yacquub Abdullahi Hassan oo Tone Ilebekk. 15-jirkan ayaa markii ay boolisku wareysteen  qirtey inuu isagu ka danbeeyay dilka labada qof.

Sida ay sheegeen boolisku wuxuu wiilkan la qabtey kamid ahaa asxaabta Yacquub. Wax xiriir ahna kama dhaxeyn isaga iyo haweeneyda macalimada ah ee uu la dilay Yacquub.

Shaley ayey gabar soomaali ah oo lagu magacaabo Muno Maalin  journalka FVN u sheegtay iney aragtay Yacquub daqiiqado kahor inta aan la dilin, isaga oo la socdo wiil kale oo cadaan ah(norwiiji u eg, koleyba aan soomaali aheyn sida ay sheegta gabadhan soomaaliyeed). Wiilka hada loo qabtey dilka, ayaa u buuxinaya tilmaanta ay shaley bixisey gabadha soomaalida ah ee degan aaga Yacquub lagu dilay.

Shir jaraa´id oo ay boolisku Kristiansand qabteen ayey ku sheegeen cadeeyeen in Yacquub Abdullahi Hassan iyo wiilka hada la qabtey ay isku buss wada saarnaayeen inta uusan dhicin dilka.

Booliska ayaa shir jaraa´id oo ay shaley qabteen ku sheegay ,iney isweydiinayaan sababta 14-jirkan soomaaliga ah uu ugu soo safrey xaafadan kale ee ka dheer xaafada uu iskuulka ka dhigto.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x