torsdag, april 25, 2024

Warbaahinta Norway oo kula qeybsan dooda Amal-Aden

Labo isbuuc kahor ayey aheyd markii wargeyska Utrop uu soo daabacey maqaal uu calaamad su´aal ku saarayo hanjabaadaha ay Amal Aden sheegto iney hesho. Waxaa jawaab kasoo bixiyey booliska Oslo, iyaga oo sheegay iney ka warqabaan hanjabaado ay hesho Amal. Waxaa ku xigey maqaal kale oo ay Utrop soo daabaceen maalmo kadib, kaas oo ay ku cadeeyeen in sababaha Amal loo ilaaliyo ay kamid tahay, iney markhaati fure ka aheyd kiis la xiriira daroogo, oo ay ka qeybqaateen qeyb asxaabteedii hore kamid ah. 

Markiiba waxaa Utrop weerar ku bilaabey qaar kamid tifaftirayaasha wargeysyada waaweyn, iyaga oo ku eedeeyay iney Amal Aden si bareer ah oo shaqsi ah ay u beegsanayaan. Laakiin waxaa kadar oo dibi dhal ay arintu noqotay, kadib markii wargeyska weyn ee Morgenbladet uu dabagal ku sameeyay qaar kamid ah, hadaladii ay Amal Aden ka sheegi jirtey warbaahinta, waxaana soo baxey hadalo is khilaafsan oo ay Amal ku hadashay, markii laga codsadey iney ka hadashana Amal wey ka gaabsatay. 

Maqaalka Morgenbladet oo ahaa mid ka kooban sadex bog ayaa dhaliyey muran weyn, waxaana sadexdii maalin ee ugu danbeeyay aad looga hadalhayay warbaahinta wadanka. Morgenbladet ayaa sadex wariye oo kamid ah kuwa ugu magaca dheer wargeyska u dhiibey, iney maqaalkaas lafo-guraan. Waxeyna noqotay markii ugu horeysay(inta la ogyahay) ee uu wargeys weyn oo kuwa Norway ka dhisan ah uu toosh ku ifiyo qaar kamid hadalada is-weydaarsan ee Amal Aden. Waayadii hore, Inta badan wariyeyaashu waxey si toos ah u liqi jireen wax walbo oo ay Amal sheegto, iyaga oo aan su´aal weydiin ama cadeyn ka dalban. 

Kala qeybsanaanta warbaahinta:

Maqaalada Utrop iyo Morgenbladet, waxey dhaliyeen in wargeysyada ay ku kala qeybsanaadaan dooda ku saabsan Amal Aden. Sadexda wargeys ee ugu waaweyn wadankan(Aftenposten, VG, Dagbladet) waxey la safteen Amal, iyaga oo sheegay in Amal Aden ay tahay qof mudan kudayasho, aana mudneyn in la dhaleeceeyo.

Dagbladet ayaa 10-ka qof ee u sharaxan magaca sanadkan kusoo darsadey Magaca Amal Aden, sidoo kale Aftenposten ayaa maanta boga koowaad ee wargeyska kusoo daabacay maqaal ay ku difaacayaan Amal. VG ayaa isna sidoo kale fadhiga ka kacsiiyey mid kamid ah dadka uga faalooda arimaha cilmu-nafsiga, si ay wado ugu raadiyaan hadalada Amal Aden, ee uu Morgenbladet wax ka qorey. 

Sidoo kale madaxa ururka ay ku midoobeen gabdhaha la galmooda gabdhaha kale(Lesbian), ayaa sheegtay in Amal loo weerarayo shaqsiyadeeda, maadaama ay tahay qof muslim ah oo hadana sheegtay iney Lesbian tahay. Waxeyna Amal ku tilmaantey geesiyad mudan in la taageero. 

Dirty technique-Play the man, not the ball:

Waxaa jirto farsamo ay warbaahintu isticmaalaan, markii ay rabaan iney qof dhulka la galaan. Inkastoo ay farsamaas tahay mid khaldan oo aan wanaagsaneyn, hadana waa mid aad u xoog badan, saameyntooduna ay aad u weyntahay. Hadii ay waayaan qaab kale oo ay kugu bahdilaan, waxey si toos ah u weeraraan shaqsiyada qofka, iyaga oo baaritaan ku sameeyo taariikhdiisa, noloshiisa, meesha uu daganaa, cida uu saaxiibka la ahaa iyo wixii sameyn jirey yaraantiisa. Waxeyna tooshka ku ifiyaan waxkasta oo khaldan oo qofkaas uu sameeyay noloshiisa, ha yaraato ama ha weynaatee. Waxeyna ugu danbeyn qofka ka dhigaan beenlow aa lagu kalsoonaan karin.

Waxaa muuqato in Utrop iyo Morgenbladet ay isticmaalayaan farsamadaas, iyaga oo baaritaan ku hayo taariikhda iyo nolosha Amal Aden. Gabadhan qoraaga soomaaliyeed ah, waxey warbaahinta wadanka dhib la´aan ku dhex mushaaxi jirtey sanado badan, iyada maalinba hadal sheegi jirtey ama maqaal soo daabici jirtey. Hadalada badan ee Amal, waxey kasoo heli karaan boqolaal hadal oo isdaba marsan ama boqolaal beenood oo aan cadeyn loo heynin. 

Tusaale ahaan, hadii aad akhriso  buuga Amal ay qortey ee SE OSS, waxaa markiiba ku cadaanayo inuu intiisa badan ka koobanyahay been iyo sheeko xariir la dhoo-dhoobey oo aan sinaba cadeyn buuxdo loogu heli karin. (Hadii aadan buugaas horey u akhrin, biblioteket kuugu dhow tag, oo bal isku dey inaan 30-daqiiqo akhriso oo aad beentaas u adkeysato).

Amal shaley warbaahinya ayaa cirka geysay, maanta dhulka maku soo celin doonaan:

Waxaa hubaal ah in Amal Aden ay magac iyo awood ku dhex-leedahay mujtamaca Norway, gaar ahaan warbaahinta. Warbaahintu shaley iyaga ayaa Amal geed korkiisa saarey, iyaga oo ka dhigey halyeeyad aan agteeda cidi ka hadli karin. Waxey Amal gaarsiiyeen heer ay dhahaan waxey u qalantaa iney matasho dadka laga tiro badanyahay oo dhan. Ayadna intey isku bogtey, ayey hadba laan qabsan jirtey, haba ugu darnaatee bulshada ay ka dhalatay ee soomaalida. 

Wargeysyada Utrop iyo Morgenbladet, waxey shaley ahaayeen kuwii ugu xooga badnaa ee wararka iyo qoraalada Amal  buun-buunin jirey, markii ay wax ka sheegayso soomaalida wadankan Norway. Maanta ayada ayey kusoo jees-jeesteen, waxaana muuqato iney durba ku ifiyeen toosh ay Amal ku adkaan doonto iney iska leexiso. Shaley markii ay Amal buun-buuniyeen jaceyl kama aheyn ee waxey rabeen, iney helaan wax ay qoraan oo dadka ay ka iibiyaan, maantana waxey leeyihiin isla ujeedadii. 

Su´aasha isweydiinta ah ayaa, Warbaahinta Norway shaley, iyaga ayaa Amal meel sare gaarsiiyey, maanta dhulka maku soo celin doonaan?. Bal aan aragno meesha ay iskala dhacaan Amal Aden iyo warbaahinta. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x