torsdag, april 25, 2024

War deg-deg: Nin soomaali ah oo loo qabtey weerarkii gabadha soomaalida ah lagu qaadey Moelv

Booliska Moelv ayaa sheegay iney saacad kahor, nin soomaali ah usoo qabteen weerarkii lagu qaadey gabadha soomaalida ah, deegaanka Moelv. Waxeyna sheegeen iney ninkan soo qabteen, kadib markii ay sameeyeen baaritaano waaweyn maalintii shaley iyo galinkii hore ee maanta.  Booliska ayaa sheegay in ninkan ka wareysan doonaan falka weerarka ah ee loo heysto, eyna u gudbin doonaan xabsiga. 

Waxey dhanka kale sheegeen ineysan wali wareysi la yeelan gabadhii dhibku soo gaarey oo wali kujirto isbitaalka. Gabadhan ayaa waxey dhaawacyo waaweyn kasoo gaareen wajiga iyo gacmaha, iyo waliba dhaawacyo fud-fudud oo kasoo gaareen xabadka iyo caloosha, sida ay booliska shaley u sheegeen wargeysyada lokalka ah.

Booliska ayaa sheegay inuu aqoon iyo xiriir ka dhaxeeyo ninka ay maanta soo qabteen iyo gabadha uu dhibku soo gaarey, balse faah-faahin kama bixin xiriirka u dhaxeeyo nooca uu yahay.  

Terje Krogstad oo katirsan booliska Moelv, ayaa sheegay in soo qabashada ninkan ay fududeysay baaritaano ay sameeyeen iyo dad goobjoogayaal ah oo tilmaan bixiyay. Wuxuuna raaciyay in soo qabashada ninka ay aheyd arin aad u muhiim ah, maadaama uu kiisku yahay mid halis ah, dhacdadana ay cabsi ka abuurtey deegaanka Moelv. 

kilde/xigasho: Ringsaker Blad, Nettavisen, Dagbladet, TV2

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x