lørdag, april 20, 2024

Utrop: Amal Aden waxey boolisku u ilaaliyaan sababo la xiriiro kiis daroogo ah

Dhamaan Mediyaha wadankan Norway, waxey norwiijiga ka dhaadhiciyeen in Amal Aden loo ilaaliyo sababo la xiriiro hanjabaado ay ka hesho soomaalida degan wadankan Norway, waxeyna taas noqotay sheeko si fiican u hirgashay oo Amal ay mar walba sheegi jirtey iney boqolaal fariimood oo hanjabaad ah ka hesho soomaalida degan wadanka Norway. Balse waxaa hada cadaatay in sheekadu ay intaas ka weyntahay oo ay jiraan waxyaalo kale oo aysan Amal dadka u sheegi jirin.

Wargeyska Utrop ayaa saaka soo daabacay maqaal uu ku sheegayo booliska Oslo, ay u xaqiijiyeen in Amal Aden loo ilaaliyo sababo la xiriiro kiis daroogo ku lugleh oo ay ka qeybqaateen qeybo kamid ah asxaabteeda. Wuxuuna Utrop sheegay inuu hayey macluumaad ku saabsan in Amal ay markhaati ka aheyd kiis daroogo ah, sidaas darteed loo ilaaliyo maadaama ay hanjabaad ka hesho kooxahaas daroogada ka shaqeeyo. Waxaa halkaas daaha uga qaadmey waxyaabo qarsoonaa oo Amal iyo Booliskuba aysan saxaafada horey ugu sheegin. 

Utrop ayaa booliska weydiiyay sababta aysan u sheegi jirin in Amal aysan hanjabaad ula kulmin oo kali sababa la xiriira doodaheeda bulshada dhexdeeda ah. Booliska ayaa sheegay in hanjabaadaha la xiriiro Amal ay yihiin kuwo ay adagtahay in la fahmo. Waxaana kamid ah hanjabaada la xiriira iney tahay qof doodyahan-bulsho ah. 

Ilo ka agdhow booliska ayaa Utrop u xaqiijiyey ineysan wax xiriir ah ka dhaxeyn hanjabaadaha ay Amal hesho iyo doodaheeda bulsho. Waxeyna taas la micno tahay in Amal loo ilaaliyo oo kaliya sababaha la xiriira kiiska daroogada ah oo kaliya. Booliska ayaa ka gaabsadey inuu arintaas faah-faahin ka bixiyo. Waxeyna sheegeen iney macluumaad dheeri ah ka bixin karin arimaha la xiriira ilaalinta amaanka qof shaqsi ah. 

Qofka warka ay kasoo xiganayaan Utrop ayaa sheegay in Amal uusan waardiye la socon 24-ta saac ee maalintii iyo habeenkii, balse siyaabo kala duwan loo ilaaliyo. Wuxuu qofkaas raaciyey in Amal ay markhaati fur ka aheyd kiis daroogo la xiriiro oo ay ka qeybaateen dad kamid ah saaxiibadeeda sanado kahor. 

Sida ay qorayaan Utrop ilaa hada majirto qof loo qabtey ama loo xukumey hanjabaad uu u jeediyay. 

Sabtidii lasoo dhaafey ayuu Tv-ga qaranka NRK sheegay in gudoomiyaha gobalka Vest-agder uu baaritaan ku sameeyay eedeyn ay Amal sheegtay in loo diidey iney tagsi kireysato. Laakiin baaritaan lagu sameeyay arintaas, ayaa lagu ogaadey ineysan waxbo kajirin. Amalna waxey qiratay in markaas aan loo diidin tagsi, laakiin waxey soo xigatay dhowr mar oo kale oo tagsi loo diidey. 

Labo maalin kahor ayuu Utrop soo daabacay wiil lagu magacaabo Ismaaciil Xuseen oo sheegay in Amal ay ka been sheegatay isaga iyo wiilal saaxiibadiis ah. Ayna sheegtay iney 40 hanjabaadood ka heshay deegaanka uu wiilkaas ku noolyahay oo gabigiisba ay degenaayeen markaas 10 dhalinyaro soomaali ah. Markii Amal laga codsadey iney sheegto magaca qofka usoo direy hanjabaada ama ay booliska ku dacweyso, waxey Amal sheegtay ineysan waqti u heynin arintaas. Dadka kunool deegaankaas ayaa isla qirey in Amal hadii sheegto mid kamid magacyada dadka usoo direy 40-ka hanjabaadood ay fududaan laheyd in lasoo qabto, maadaama deegaanku uu yahay mid yar oo dadkiisu ay is wada yaqaanaan. Waa hadii aysan been sheegeynine. 

Nasim Rizvi oo kamid ah gudiga ururka ajaaniibta ee gobalka Buskurud, ayaa sheegtay in hadii arintan ay run tahay ay noqon doonto wax laga xumaado, maadaama aysan Amal run ka sheegin sababaha dhabta ah ee la xiriira hanjabaadaha ay hesho. Waxey sheegtay iney Amal heshay kalsooni ku dhisan iney u dagaalameyso jinsigeeda, isla markaana ay hanjabaado ku hesho soomaalida, sababo la xiriiro arintaas.

Rizvi oo sii wadato hadalkeeda ayaa sheegtay in arintan ay tusaale fiican u tahay in si dhab ah loo baaro hadalada kasoo yeero shaqsiyaadka sheegto iney matalaan qowmiyad dhan, kana dhigo iney yihiin dad isku wada mid ah. Waxey sheegtay in wax lala yaabo iney tahay iney adagtahay in su´aal la weydiiyo. 

Thomas Presto oo horey u ahaan jiray gudoomiyaha ururka Afrikan Youth ayaa dhankiisa dhaliil u jeediyay booliska oo sida uu sheegay aan baaritaan fiican ku sameynin hanjabaadaha ay sheegto iney Amal hesho.

Amal Aden godkeeda ayaa biyo ugu galeen:

Amal Aden oo ah gabar soomaaliyeed ayaa sanado badan qori jirtey buugaag ay dhaleeceyn ugu jeedin jirtey bulshada ay kasoo jeedo ee soomaaliyeed. Waxeyna sheegi jirtey in hanjabaado ay ka hesho soomaalida sababo la xiriiro buugaagta ay qorto in jinsigeeda oo ah iney tahay Lesbian. Amal Marna ma aysan sheegin iney markhaati ka aheyd kiis daroogo ah, sidaas darteedna ay hanjabaad heli jirtey. 

Wargeyska Utrop ayaa dabagal ku hayo Amal iyo hanjabaadaheeda, waxaana muuqato in maalmo gudaheeda ay banaanka ku keeneen macluumaad qarsoonaa sanado badan. Utrop wuxuu qabanayaa shaqo ay aheyd in aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, oo aheyd in la xaqiijiyo waxa kajiro hanjabaadaha ay Amal hesho, si loo ilaaliyo sumcada qowmiyada soomaaliyeed ee Norway. Waxaana norwiiiga laga dhaadhiciyey in Amal Aden ay soomaalidu mar walba u hanjabaan, sidaas darteedna soomaalida loo aqoonsadey iney yihiin dad aan ogoleyn in qofku uu xor ahaado oo waxa uu rabo dhihi karo ama qori karo. 

Xigasho/kilde: Utrop

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x