Ubah Abdullahi: Waalidka luuqada aan baran, wadanka waan ka tarxiili lahaa

7
146

Ubah Abdullahi Aden oo horey uga tirsanaan jirtey golaha deegaanka Oslo, hadana wali kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa war ay dad badan ka yaabiyey kusoo qortey bogeeda bulshada ee Facebooka iyo Twitterka. 

15302313_1543063532386716_1968282567_oUbah ayaa sheegtay in hadii iyadu ay awood lahaan laheyd ay tarxiili laheyd waalidka aan baran luuqada dalkan, «waaba hadii Ubah ay awood lahaan laheyd, oo wax laga weydiin lahaaye».  Waxeyna hadalkeeda raacisay in waalidku uusan masuuliyad waalidnimo qaadi karin, hadii uusan aqoonin luuqada dalka ay caruurtiisa ku koreyso. 

Tarxiil xal miyaa mise waa xumeyn:

Waa sax in dhibaato weyn ay tahay in waalidiin badan oo soomaaliyeed aysan aqoon fiican u laheyn luuqada wadanka, taasina ay dhibaato ku tahay koritaanka caruurtooda ay ku korayaan wadankan. Waa sax iney jirto in waalidiinta soomaaliyeed qaarkood aysan awooda saarin barashada luuqada wadankan, sababtu waxey rabt ha noqote. Balse in ladhaho waalidkaa aan luuqada baran, hala tarxiilo xal miyey keenaysaa mise xaalada jirto ayey uga sii dareysaa? 

Ubah waxey ka tirsanaan jirtey golaha deegaanka ee Oslo, hadana waa siyaasiyad katirsan xisbiga shaqaalaha, xubina ka ah gudiga ururka waalidiinta ee FUG. Waxaa la isweydiin karaa, Ubah maxey u qabatey waalidiinta soomaaliyeed ee codkooda ku aaminey xiligii ay aheyd xubinta katirsan golaha deegaanka Oslo?. Ubah intey dhaheyso waalidka hala tarxiilo, xal kale ma heyso miyaa? Leksehjelp haloo furo, koorsooyin dheeri ah hala siiyo, halagu baraarujiyo iney luuqada wadanka bartaan, halagu wacyi galiyo muhiimada barashada luuqada?.  Ayaduse ma joogtaa booskii ay dhihi laheyd waalid soomaaliyeed oo iyada lamid ah, hala tarxiilo?

Kawaran hadii hadalkaas uu dhihi qof katirsan FRP: 

Bal adigu maskax ahaan sawiro,  hadii siyaasi xisbiga FRP katirsan uu dhihi lahaa, waalidka ajaaniibta ah ee luuqada aan baran wadanka halaga tarxiilo, saxaafada Norway maxey ku sameyn laheyd? Dood inteese le´eg ayaase arintaas ka abuurmi lahaa.

Kawaran hadii siyaasi norwiiji ah oo FRP ama xisbi kale ka katirsan uu dhihi waalidka soomaalida ah ee aan luuqada baran wadanka laga tarxiilo, soomaalidu maxey siyaasiyagaas ku tilmaami lahaayeen?.

Waalid soomaali ah oo isagaba dhiban in la dhaho hala tarxiilo, hadal qof weyn oo masúul ah oo soomaali ah, hadana siyaasi ah uu ku hadlo miyaa?. Sylvi Listhaug maxaan ku heysanaa, hadii siyaasiyiintii soomaalida siyaasada ugu jirey ay qaarkood sidaas u hadlayaan?

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

7 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
istar
7 years ago

magaceeygu waa istar ali kunool norge somalia waa wadan keeyga alx waana u dhashtay beena maahan kamana baqaayo in lii celiyo waayo maalin maal maha kamid ah somalia nabad beey noqonee lkn iyada dhaheeyso hooyo aana luqada baran hala tarxiilo iyadaba waa somali intee umada ku maqantahay iyada lee yeey ku dhicin tarxiilka nacasta nacasta dhashay somaliya hadii leey geeyo sxb soorteeyda waa dhacsahaaa ee somaliya bahal majoogo ee caga dhigo waxba ha is raacsii nin adigaba somali madoow aatehee qumayo

Wiim somamiyed
7 years ago

Waa qof daciifa oo an aqoon laheyn mana u qalanto taas oo kale ineey bulsho matasho aqoon darro iyo karti la an ayaa heyso wa miskiin aan gurigeeda xatee ka warqabin

ali abdi
ali abdi
7 years ago

Asc arintan waxan odhan laha fikir ahaan wa arin qaldan kaliya waxa ku filan inad qofkaga u shegto qaladkisasa oo ad wax u shegto nasib wanag tasi may dhicin waxan ku so kobaya malinta dorashada ay timad codkaga ha sin qof oo kale umada uga dig .. Tusele waxan xasuusta iyada oo radinaysa qof u hagajiya website ka ay ledahay iyada oo bar yaysa in la baro ama la tuso sida sawirada lo galiyo ama lo hagajiyo hadaba luuqad ban aqana cilmi maha waxan kalo xasuusta in sacado badan ay qadatay kaliya sida sawirka lo badalo in la baro runtii… Read more »

Jaamac
Jaamac
7 years ago

Asc walal norsom waa mahadsan tihiin, Waxaan aaminsanahay in eey arintu tahay labo mid oo kaliyah 1 qof lasoo adeegsaday oo loo soo dhiibay warka ama qof aqoon dari eey ka tahay warkaas meeshuu gaari karo 2 in eey ka tahay warkaaga hala wad wado ee wax qor taasina waa wadadii eey ku dhuntay amaal iyo qaar la mid ah waxaan ogahay sanadkii eey soo baxayeen baashe iyo ubax iyo fadumo in eey aheed sanadkii noogu xumaa norge maalinba qof ayaa barataa laakiin soomaali ha ogaato dadkaas ayaa wax eey sheegtaan in eey u yihiin hogaan,

omer
omer
7 years ago

waxan ad uga xumahay in qofba qofka uu ka jaahilsan yahay ama ka xishood daran yahay inuu umada somaliyed oo wadankan nolol u so dontay uu magac ku raadsado iyo shaqo asaga ugaar ah, taas ooy jirto ayaa somalida manta dhib aan la qiyaasi karin ka heystaa wadanka norway, taas ooy ugu wacantahay in ay guryahooda iska joogaan ama iska xishoodaan dadkii eey naxariista soomalinimo ku danbeysay oo wadankan so galay waqti aad u dheer, ayagoo ku ekaaday hadba qofkii la kulmo ineey caawiyaan, lakin dhibka jiro dad shaqo doon ah oo aan somalida aqoon u laheyn lagaba yaabee inuu… Read more »

AWIL DEBEY
7 years ago

haday run sheegayso naagtii gudey dacwad haku soo oogto intay masaakiinta is leedahay kusoo caanbax hortaabaa qaar ku fashhilmeen,

AWIL DEBEY
7 years ago

MARADA AY MADAXA SAARATAY EEGA SI FIICANA U EEGA MARKAA FAHMA ,CALAAMAD SU,AAL AYAA SAARAN