fredag, mars 29, 2024

TV2: UDI-du waxey dardar galineysaa ugaarsiga dadka sida beenta ah ku helay magangalyada

Frode Forfang oo ah madaxa laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga(UDI), ayaa sheegay iney sanadkan soo socdo ee 2017 ay dardar galin-doonaan, howsha ugaarsiga ah oo ay ugu jiraan fashilinta dadka ka been sheegay aqoonsigooda shaqsiyadeed, sidaasna ku helay magangalyo.

Wuxuuna sheegay iney ogyihiin iney jiraan dad wado aan sax aheyn ku helay sharciga magangalyada dalkan Norway, sidaas darteedna ay hada xoog-badan galin doonaan ka dabo tagistooda. 

Frode oo u waramayay TV2(Hoos ka fiiri muuqaalka), ayaa cadeeyay in UDI-du ay hada heshay awood iyo jaanis ku filan oo ay dib baaritaan iyo hubin ugu sameeyaan, in codsiyadii magangalyada ee horey loo dhiibtay ay ahaayeen kuwo sax ah. 

Madaxa laanta socdaalka ayaa sidoo kale cadeeyay ineysan wax cusub aheyn in laga dabo tago dad horey sharciga magangalyada u haley, arintaasna ay tahay mid horey u dhici jirtay, hadana dhacdo. Wuxuuna raaciyay in waxa kaliya ee isbadalay ay yihiin iney hada waqti iyo firaaqo dheeri ah ay u heleen dib u hubinta codsiyada dadka magangalyada helay, sidaas darteedna ay dhici karto in tirada dadkaas ay kor u kacaan. 

Xigasho/kilde: TV2.NO(Halkan ka daawo muuqaalka Frode Forfang)

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x