fredag, april 19, 2024

TV2: Dilka Yacquub Abdullahi waxa uu ahaa mid qorsheysan

15-jirkii norwiijiga ahaa ee qirtay inuu ka danbeeyay dilka A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk, ayaa sheegay inuu dilka yacquub ahaa mid uu horey u qorsheystay, sida aan kasoo xiganeyno TV2.  Wuxuuna sheegay inuu mudo kahor sii meeleystay goob uu dilka ku fuliyo. 

A.H.N Yacquub iyo 15-jirka qirtey danbiga dilka ah, ayaa waxaa ka dhaxeysan aqoon hore, iyaga oo u wada ciyaari jiray hal koox oo kubada cagta ah. Sidoo kale warbaahinta qaar ayaa qoreyso in labadooda ay deyn isku lahaayeen.

15-jirka ayaa dhanka kale sheegay inuu Tone ilebekk u dilay, sababtoo waxey isku day iney faraha lasoo gasho. Tone oo aheyd hooyo ka tagtey labo caruur ah, ayaa markaas banaanka usoo baxdey si ay hawo usiiso eygeeda, iyada oo waxyar kahor uun ka timid barnahage ay ka shaqeyn jirtey. Waxaana Tone iyo Yacquub lagu dilay goob aan wax badan ka dheereyn shaqadeeda. 

Qareenka difaacayo 15-jirka norwiijiga ah ayaa ka gaabsadey inuu faah-faahin ka bixiyo arintaas ku saabsan inuu horey usii dajistay qorshaha dilka Yacquub. Sidoo kale booliska ayaa diiday iney arintaas ka hadlaan, iyaga oo sheegay iney wali socdaan baaritaanada iyo wareysiyada la xiriiro arintan. 

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x