Sidaan wada ogsoonyahay wadankan Norway baabuurta cusub aad ayay  qaali u yahiin, sababtoo ah canshuurta gawaarida la saaro ayaa aad u saraysa. Sidaas dardeed ayay dadku ku fikaraan inay ibsadaan gawaari la soo isticmaalay mudo(bruktbiler) ama gaari dhowr sano ka hor soo baxay.

Waxaa dhacdo marar badan in dad soomaali ah lagu khiyaameemo gawaari ay ka iibsadeen Finn.no, iyaga oo aan  sidii loogu tala-galay aan iskaga hubin. Inaad gaari fiican heshaa waxay ku xiran tahay, dhaqaalaha aad u qorshaysay iyo dadaalka dheeriga ah aad samaysay.

Waxaan halkaan kugu soo gudbinaynaa talooyin wax ku ool ah, oo aan fileyno inay kaa caawin doonan in gaariga aad iibsan doontid uusan noqon mid lagugu qaldey ama aad ku qasaartid.

Talooyinkan waxan ka soo xiganay oo horey usoo aruuriyay shirkada Broom, oo ah mid kamid ah shirkadaha Norway ka dhisan ee ugu xeeldheer baabuurta.

1.EU Kontrollka inuu dhawaan maray (En fersk Eu godkjennelse er viktig): Iska hubi in gaariga kontrolka EU la marsiiyay dhawaantan. Hadii uu gaarigu dhawaan soo marey kontrollka EU, waxay muujinaysaa inuu yahay mid la isku halayn karo. Waxaadna xaqiijin kartaa ugu yaraan inaad labada sano ee soo socda uu yahay mid la isku haleyn karo.

2. Shaagagga/taayirada iska eeg ( Kontroll dekkene nøye). 

Taayirada waa qaybaha ugu muhiimsan gaariga. Iska hubi inay yahiin ku taayaro fiican, dhamaantoodba. Waxay taayiradu saamayn wayn ku yeesheen bareega (brember) xiliyada barafka iyo sidoo kale xasiloonida gaariga. Iska hubi inuu gaarigu lasocdaan vinterdekk ( taayirada barafka) iyo sommerdekkba ( taayirada sommerka).

3.Velg annerledes (Shirkado kala ka goobo)

Mar mar waxaa laga yaaba inaad waydo shirkada aad rabtay inaad iibsato. Tusaale ahaan waxad rabtay BMW, ku darso xisaabta in shirkada caanka ah  gawaaridooda ay qaali yahiin. Lakiin waxaan laga yabaa inaad shirkado yar yar sida Kia oo aan aad ugu badnayn Norway inaad gawaari fican oo cusub hadana aan waxbadan socon aad ka heli karto (mer bil for pengene).

4.Servicehistorikk (buuga gaariga)

Waa muhiim inaad iska hubisaa Servicebuuga gaariga. Waxaad ka ogaan kartaa in gaarigan marwalba la marsiin jiray service, si uusan adiga kugu noqon lacag dheeri ah. Tusaale ahaa goorta la badaley registerreim (shiingiyaha) iwm.

5.Tenk sikkerhet ( ka fikir amaanka gaariga)

Ku dadaal in baabuurka aad iibsaneyso ay ku xiran yahiin qalabyada sare u qaado amaanka dadka saaran baabuurka (sikkerhet utsyr). Tusaale ahaan ABS bremser iyo Airbag, waxey saro u qaadaan isticmaalka iyo amaanka baabuurka.

5.Rust (daxal)Gawaarida la soo isticmaalay waxay caan ku yahiin inay leeyahiin daxal badan. Iska hubi oo yuusan kuu dhuuman gaari daxal badan, ka fiiri dhamaan qeybaha gudaha iyo dibadaba.

6.Prøvekjøre og tilstandrapport (iska tijaabi oo wad gaariga)

Waxaa fiican inaad makanik u geysid gaariga si aad isaga hubiyo dhamaan qeybihiisa, inta aadan iibsan kahor. Waxaa marar badan dhacda in gaariga lacagta lagu iibiyay, lacag ka badan lagu bixiyo hagaajintiisa. Sidaas ula tag mekaanika oo hadii ay wax haleysanyihiin, ku daro qiimaha guud ee baabuurka, kulana xisaabtan qofka kaa iibinayo.

7.Sjekk alle elektriske funkjoner (iska dhamaan qaybaha korontada oo dhan)

Waa wax iska caadi ah inay baabuurta ay ka xumaadan qaybaha korontada, sidaa dardeed ka taxadar oo sifiican u hubi in nalalka baabuurka dhamaantood ay shaqaynayaan, sidoo kale hubi muraayadaha, radio, spyler, kulaylka iy qabowga, iwm.

8.Ikke bli blind (Dheeha iyo dhaldhalaalka yuusan ku qadin)

Dhaldhalaalka gaariga iyo midabkiisa haku indha sarcaadin oo haku deg-deg iibsashadiisa. Qiimeyn badan samee, meelo badana wax ka eeg. Isku day inaad ugu yaraan baabuur aad gudaha u gashay oo systemkiisa gudaha aad ku qanacsantahay. Midabka kore yaan lagugu qaldin, waxaadna ogaataa in dadka baabuurta iibiya ay baabuurka dhaqaan oo qurxiyaan inta aan laga iibsan kahor, si ay kuusoo jiitaan.

9. Horey usoo wado qof aqoon baabuurta u leh:

Dadka ugu badan ee baabuurta bruktiga ah lagu khiyaameeyo, waa dhalinyarada aan horey waqti badan baabuur usoo isticmaali jirin. Sidaas darteed hadii aadan aqoon fiican u laheyn ama aadan mudo dheer baabuur wadan, waxaa haboon inaad soo wadato qof kugu aqoon iyo khibrad dhaamo. Tusaale ahaan qofka 25 sano baabuur watey, wuu ka aqoon iyo cilmi fiicanyahay kan 2 sano ama sanad watey. 

 

 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz