Qorshe wanaagsan iyo xaddida qarashaadka aan muhiimka nolashaada u ahayn ayaa sal dhig u ah inaad kayd fiican meel dhigato iyo waliba inuu dhaqaalahagu noqdo mid xasiloon.

Baadhitaan ay si wada jir ah u sameeyeen Bankiga DNB iyo Ipsos ayaa soo saaray warbaxin ay ku sheegen in dad badani ay ku dhib qabaan sida ay dhaqaalahooda iskugu dheeli tiri lahayeen, keydna uga samaysan lahaayeen. Waxayna shegeen in dhibaatada ugu badani ay haysato dhalinyarada ay da’dooda u dhaxeyso 18-29 sano iyo sidoo kale qoysaska caruurta leh.

Silje Sandmæl oo ah qabiir dhanka isticmaalka qarashaadka, kana shaqaysa Bankiga DNB ayaa sheegtay in bilowga sanadka cusub ay tahay xiliga ugu muhiimsan uguna sahlan aad dhaqaalahaga sanadka danbe aad u dajin kartid qorshe wanaagsan.

Sanad walba oo cusub waxuu wataa jaaniskiisa dhinac walba leh, dhaqaalahuna uu ka mid yahay. Sidii ay kugu rumowdo riyadaada iyo hamiga aad leedahay sanadkan cusub 2017, waa inaad marka hore leedahay qorshe guud oo ku saabsan dhaqaalaha aad rabtid inaad keydsato, inta uu la’egyahiin. Waxaad ogaatada inay waqti badan u baahantahay iyo dadaal badan, si aad hamigaaga iyo qorshahaaga aad u gaartid.

Waxaan halkaan kugu soo gudbinaynaa talooyin wax ku ool ah, oo aan fileyno inay kaa caawin doonaan inaad sanadka danbe 2017 hadii Alle idmo aad dhaqaale ka xasiloon kana wanaagsan sanadkii hore aad samaysatid. Talooyinkan wanaagsan waxaan ka soo xiganay VG.no

1. U Samee aragti guud qarashaadka aad isticmashid (Få oversikt forbruket deres)

Qaar badan oo naga mid ah ayaa iska iibsada waxyaabo aan xaqiiqdii loo baahnayn, kadibna ay qarash badan ku lumiyaan macno daro. Qaabka ugu fudud aad ku ogaan kartid kuna kontorooli kartid, waa inaad Nettbankigaga gashaa, kana ogaataa lacagtii sida macno darada kaga baxdey. Sidoo kale nettnbankiga waxuu leeyahay program aad ku kala sooci kartid qarashka kugu baxay iyo meelaha ay kaaga kala baxeen.  Tusaale ahaan lacagta kaga baxdey cuntada, dharka, safarka iwm. Waxaadna u kala saaran kartaa nødvendig og unødvendig. Programkaas waxuu ku sahli doona inaad gacan buuxda ku qabato qarashadka kaga baxo macno darada.

2. Iska jar dabeecadaha aan wanaagsanayan ( Kvitt dere med usunne vaner)

Hadii ay dabeecad kuu tahay inaad malin walba aad koob kaffe ah oo qiimahiisu yahay 28 kr aad ka iibsatid magaalada markaad shaqada usii socotid, ku dardo xisaabta inay sanadkii noqonayso 7280 kr. Ku dadaal inaad yarayso qarashaadka noocaas oo kale ah iyo kuwa kale oo aad adiga ogtahay.

3. Iska yaree fakturooyinka/giro kuu yimaada ( Kutt i regningsbunken)

Dhibaatooyinka ugu badan ee dhaqaalaha qofka curyaamiya waa fakturooyinka kuu yimaada bishii oo tiradda ka bato. Iska yaree fakuturooyinkaas kuu yimada. Tusaale ahan ma ubaahantahay dhamaan kanalada TV-gaga? Ma heli kartaa abonnementi telefoonkaga ka raqiisan. iska xir ama iska yaree hadii aad awoodi kartid.

4. Heshiis wanaagsan goobo (Gjør en god deal)

Sanadka cusub waa xiliga laga yaabo inuu is badel cusub ku yimaado dhanka suuqa ah. Sidaas dardeed la soco suuqa, isku deyna inaad heshiis ka fican kan aad hada kula jirto shirkadaha aad raadiso. Waqti dheeri ah gali inaad gacanta ku dhigto qarasha bil walba kuu yimaado. Tusaale ahaan  kirada guriga, Korontada, busskort, NRK lisens ,Forsikring ,deynta I.W.M.

5.Miisaaniyad cusub, fursad cusub ( Nytt budsjett, nye muligheter)

Markii aad yaraysid qarashaadka macno darada ah ee kugu baxa, waxaa kuu suuro gali karto inaad samaysankarto miisaaniyad cusub (nytt budsjett). Miisaaniyadaas cusub waxaad ka xisaabinaysaa lacagta ku soo gasho marka laga jaro Skattka. Bangiyo badan ayaa dadka ka caawiyo si ay fursadooda dhaqaale u noqan lahayd mid xasiloon. Hadii aad wali ku wareersan tahay sidii aad ugu sal dhigi lahayd dhaqalaaha ku soo galo iyo kan kaa baxo si aad u heshid dheeli tirnaan wanaagsan (god balanse). Waxaad isticmaali kartaan websidaan www.sifo.no. isagaa kaa caawin karo dhan xisaabta.

6.Samayso hiigsi keyda/gool ka aad rabtid inaad gaarto ( Sett sparemål)

Waxaa muhiim ah inaad is waydiiso hiigsiga aan rabo inaan gaaro sanadkan cusub 2017. Ma layabaa inaad ku fakarayso inaad guri ama gaari iibsado. Ma is leedahay deyn badan oo lagugu leeyahay ayaa mudan inaad iska baxiso. Su’aalahaas oo dhan ayaa laga yabaa inay maskaxdaada ka guuxayaan. Talada ugu wanagsan waa inaad samaysataa hiigsi keyd dhaqaale iyo goolka aad rabto inaad sanadkan gaartid.

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz