lørdag, april 20, 2024

Switzerland: Sadex qof oo lagu dhaawacay weerar lagu qaadey masaajid ay soomaalidu ku tukudaan Zurich

Sida ay qoreyso wakaalada wararka wadankan Norway(NTB), oo soo xiganeyso wakaalada wararka ATS, waxaa shaley galabtii weerar lagu qaaday masaajid kuyaalo magaalada Zurich ee dalka Switzserland. Weerarkaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa sadex qof, iyada oo labo kamid ah dhaawacyadaas ay yihiin kuwo cul-culus. 

Nin hubeysan ayaa shaley galabtii, abaare 17:30 masaajidka oo salaad loo fadhiyo lasoo galey hub, wuxuuna furay tacshiirad sababtay dhaawaca sadex nin oo masaajidka ku sugnaa xiligaas. Waxaa xiligaas masaajidka ku sugnaa ilaa 10 qof sida ay sheegeen boolisku. Sadexda nin ee ku dhaawacmey weerarkan, ayaa da´ahaan kala jiro 30, 35  iyo 36  sano. 

Lama sheegin wadamada ay kasoo jeedaan dadka ku dhaawacmey weerarkaas, laakiin waxey NTB qoreysaa in masaajidkaas la weeraray ay badanaa ku tukadadaan soo galooti ka yimid Soomaaliya iyo Ereteriya. 

Ninka weerarka geystay ayaan wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana da´ ahaan lagu qiyaasay 30 sano. Booliska oo shir jaraa´id qabtey shaley fiidkii, ayaa sheegay iney wali ku raadjoogaan ninkii falkaas ka danbeeyay. 

Qof meyd ah oo kale. 

Isla shaley galab waxaa goob aan waxbadan ka dheereyn masaajidka la weeraray, laga helay meydka qof dhintay. Afhayeenka Booliska magaaladaas, ayaa sheegay in wali aysan cadeyn in labadaas dhacdo uu xiriir ka dhaxeeyo iyo inkale. 

Xigasho/kilde: ABC/NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x