torsdag, mars 28, 2024

Sweden: Aabe loo ogolaaday in caruurtiisa loo keeno, balse xaaskiisa loo diiday

Aabe soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Sweden, ayaa waxaa qabtay sheeko yaabkeeda leh, taas oo ku saabsan in caruurtiisa loo ogolaaday in loo keeno dalka Sweden, balse xaaskiisii loo diiday in lasoo raaciyo, sababa la xiriira soomaalinimadeeda oo ay shaki galiyeen. Aabahan oo magaciisa uu yahay Maxamed Yuusuf  Cali, ayaa wadanka Sweden degenaa mudo 8 sano ah. 

Laanta socdaalka ee Sweden, ayaa Maxamed Yuusuf waxay Maxamed ka qaaday dhiigga DNA-ga, si loo ogaado in labadaca caruurta ah uu isagu dhaley. Warqad qoraal jawaab ah oo la xiriirta dhiiga laga qaaday, ayaa aabahan loogu sheegay i wiil labo jir ah iyo gabadhiisa oo toddobo bilood jirta ay yihiin ilmihiisa, sidaasnaa ay ku imaan karaan Iswiidhan, hase ahaatee aan hooyadood soo raaci doonin sababo ay ku sheegeen inaan jirin cadeyn dhab ah oo soomaalinimadeeda muujineysa. 

Aabahan ayaa arintaas ka xumaaday, kuna tilmaama in laanta socdaalku ay qoyskiisa ku qasbanayaan talaabo ay rabaan iney ku kala geeyaan. Wuxuuna sheegay inuu doorbidayo inuu diyaarada kaligisii kusoo noqdo, intii uu caruurta iyo hooyadood uu kala kaxeyn lahaa. Isaga oo raaciyay inuu ku qasbanaan doono inuu ilmihiisa iyo hooyadoodba uu sanadkii mar kusoo boooqon doono Ethopia. 

Laamaha socdaalka ee dalalka Norway, Sweden iyo Denmark ayaan aqoonsaneyn dukoment -tiyada ka soo baxa dowlada Soomaaliya, tan wixii ka dambeeyey burburkii dowladii Dhexe ee Soomaaliya. Arintaas oo caqabad weyn ku ah jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaas. Waxaana badanaa adkaato inuu qofka muwaadinka soomaaliga ah, uu cadeeyo muwaadinimidiisa soomaaliyeed, maadaama wixii dowlada Soomaaliya kasoo baxo dhinac la isaga tuurayo. Taasna waxey keentaa iney dhibaato xaga sharciga ah kala kulmaan, marka ay rabaan iney codsadaan sharciyada dhalashada wadamadan.  

Dowlada Soomaaliya ayaa safiir cusub usoo magacowday dalalkaan Scandinavian-ka, waxaana laga warsugi doonaa bal sida safaarada soomaaliyeed ay arintaas wax uga qabato. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x